HomeWasiirkii hore ee Caafimaadka Somaliland oo ka deyriyey Xaaladda Covid-19 ee dalka,...

Wasiirkii hore ee Caafimaadka Somaliland oo ka deyriyey Xaaladda Covid-19 ee dalka, Beesha Caalamkana Gargaar deg-deg ah ka dalbay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland Dr Xasan Ismaaciil Yuusuf, ayaa beesha Caalamka u dirta baaq ku aaddan saamaynta uu xannuunka Covid-19 ku yeeshay dalka iyo dedaallada ay xukuumaddu kula tacaalayso iyadoo aan gargaar muuqda ka helin beesha caalamka.

blank
Wasiirkii hore ee Caafimaadka Somaliland

Dr Xasan Ismaaciil Yuusuf waxa uu xusay in xannuunka Covid-19 ku faafay bulshada dhexdeeda oo aan la xaqiijin karin heerka uu ka marayo, hawl-waadeennada caafimaadkuna ay ku dedaallayaan inta awooddooda ah inay xakameeyaan faafitaankiisa, balse marka la eego nidaamka caafimaad ee Somaliland uu saamaynta xannuunkani ka awood badan yahay.

Wasiirkii hore ee Caafimaadka Somaliland ee xukuumadda madaxweyne Biixi oo warqad furan oo arrintan kaga hadlay si shakhsi ah ugu diray Beesha Caalamka, waxa uu ka digay khatarta ka dhalan karta haddii cudurkani ku faafo dalka oo uu xusay inuu muddo kooban kaga awood badan karo nidaamka caafimaad ee dalka haddii aanay beesha caalamku taageero wax-ku-ool ah la soo gaadhin Somaliland.

Warqadda uu qoray Dr Xasan Ismaaciil oo uu ciwaan uga dhigay, “Covid-19 iyo Somaliland: Codsi Shaqsiyeed oo ku Socda bulshada Caalamka”, ayaa u qornayd sidan:-

“Xogta Tirakoobka Covid-19 ayaa weli ah kan ugu hooseeya Geeska Afrika marka la eego xaaladaha la xaqiijiyay ee cudurka iyo sidoo kale dhimashada uu sababay. Somaliland ilaa iyo imminka waxay la tacaashay Saf-markan iyada oo aan kaalmo badan ka helin dunida inteeda kale.

Si kastaba ha noqotee waa muhiim in la tilmaamo in ay umuuqato in fayrasku biyo-dhigtay Somaliland oo ay u badan tahay inuu mar horeba ku faafay bulshada dhexdeeda.

Hawl-wadeennadayada Caafimaadku waxay qabanayaan shaqo aad u weyn iyagoo isku dayaya inay sameeyaan wax kasta oo ay awoodi karaan iyagoo ku dedaalaya sidii ay ula tacaali lahaayeen Xannuunkan saf-marka ah.

Haddii sida ay hadda wax u socdaan xaaladdu ka sii darto, waxa hubaal ah in xaaladdu faraha ka bixi doonto oo xannuunku muddo kooban kaga awood badan doono nidaamkayaga Daryeelka caafimaadka, iyadoo ay badan doonto geerida dad badan oo muwaadiniintayada ah haddii aanay beesha Caalamka laga helin gargaar deg-deg.

Nidaamyada daryeelka caafimaad ee qaar ka mid ah waddammada ugu awoodda badan ee dunida 1aad sida Mareykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Faransiiska iyo kuwa kaleba, waxa khalkhaliyey sida ay ula tacaalayeen masiibadan. Waxaad qiyaasi kartaa waxa uu ku samayn karo waddan ka tirsan dunida saddexaad oo aan wali helin Aqoonsi caalami ah.

Fadlan tirada ku darso in Somaliland aanay ka mid ahayn Soomaaliya isla markaana ay tahay in loola macaamilo sidii dal madax bannaan oo gooni ah. Soomaaliya waxay ku adkeysaneysaa inay Somaliland la hayste ay beesha caalamka ku baadhato u sii ahaato iyadoo ku andoocanaysa inay qayb ka tahay dawladdeeda Federaalka ka dib ku dhawaad muddo S​oddon sanno oo aanu haysannay madax-bannaanidayada aanu dib ugala soo noqonay midowgii fashilmay ee Soomaaliya.

Waxaan jeclaan lahaa inaan ka codsado bulshada caalamka iyo quwadaha adduunka inay taageero u fiditaan ​​Somaliland ka hor inta aanay xaaladdu faraha ka bixin.” Sidaas ayuu Dr Xasan Ismaaciil ku yidhi Warqadda furan ee uu beesha Caalamka u diray.

Somalilandposts.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories