HomeWasiirkii Hore Ee Caafimaadka Oo Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqay Inaanu Sabab U...

Wasiirkii Hore Ee Caafimaadka Oo Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqay Inaanu Sabab U Noqon In Caalamku Dhabarka U Soo Jeediyo Qaddiyadda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SL.Post) Wasiirkii hore ee caafimaadka Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin Cabdi Haybe Maxamed oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inaanu sabab u noqon in beesha caalamku dhabarka u jeediso Somaliland islamarkaana ay ka xidhiidh furanto Somaliland.

img_2883-300x227

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay ayaa sidoo wuxuu Madaxweynaha ugu baaqay inuu ka noqdo go’aanka uu labada doorasho ku kala qaaday si aanu dagaal diblomaasiyadeed uga dhex bilaabmin Beesha caalamka iyo Somaliland, “Khaladka inaga ayaa leh, maxa yeelay markii hore labada Doorasho Dawladda iyo Barlamaanka ayaan isa saaray,imika waa kala qaadaya ma hadal baa, Yurub iyo Mareykanku way inaga caawiyaan oo Doorashooyinkana way inaga caawiyaan, markaas khalad wayn baa dhacay, Barlamaankani ma doonayo inay meesha ka baxaan, laba jeer oo hore ayaa loo kordhiyey, markaas Wadankan waa lagu ciyaaraya.”  sidaas ayuu yidhi Cabdi Haybe

 

Siyaasi Cabdi Haybe mar uu Madaxweynaha ugu baaqayey inuu ka noqdo go’aankiisa ayaa wuxuu yidhi “Madaxweynuhu inuu ka noqdo go’aankiisa weeyaan, sababtoo ah Maxkamada ayaa barigii hore soo dhex gashay arimaha Doorashooyinka oo go’aan gaadhay, mana aha in Maxkamada laga talaabsado, waxaana weeyaan inuu Madaxweynuhu xisaabtamo oo uu ka noqdo go’aankaas, dadku waxay doonayaan ayaa muhiim ah,  Barlamaanka laba goor oo hore ayaa loo kordhiyey, in mar saddexaad korodhsiimo la siiyo wax caqliga gala maaha, Guurtidan iska fadhidana waa ina la dareeriyaa, maxa yeelay waa danaystayaal, inkasta oo uu Madaxweynuhu hore u yidhi labada  Doorasho waa diyaar oo wakhti bay ku wada dhacayaan, imikana Doorashadii Wakiiladu dib u dhacday, Madaxtooyadu waa diyaar uu yidhi waxa ka daba iman doono garan mayno”.

 

Siyaasi Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey dalabka Beesha Caalamka wuxuu yidhi  “Yurub iyo Mareykanka iyo cid alaale cidii inaga maalgalisay Doorashooyinku haddii lagu adkaysto go’aankan oo aan khaladkeena aynaan sixin waxa hubaal ah in Doorashooyin dambe la inaga caawinayn oo dhabarka la inoo soo jeedinayo, haddii ay sidaas noqotana Dimuqraadiyadii aynu in badan ku faanaynay meesha wey ka baxaysaa. Markaas waxaan leeyahay madaxweyne sabab ha u noqon in caalamku dhabarka u soo jeediyo Somaliland oo ay inaga xidhiidh furmaan.”

 

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories