HomeWasiirkii Gaashaan-dhigga Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ku Dhawaaqay Is-casilaad Tuhun Ka...

Wasiirkii Gaashaan-dhigga Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ku Dhawaaqay Is-casilaad Tuhun Ka Dhashay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa caawa shaaciyey inuu iska casiley xilka uu ka hayey Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo deegaan ka soo jeeda Gobolka Selal, waxa uu iscasilaaddiisa ku sababeeyey inuu ka soo horjeedo Heshiiska is-faham ee dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia.

Wuxuu ku dooday inay madaxweynaha isku khilaafeen xukuumaddu ku doonayso inay qaybo xeebaha badda Somaliland ka kirayso dalka Ethiopia oo uu ku tilmaamay cadowga Somaliland.

Ex-Wasiir Caateeye ayaa bilihii u dambeeyey ka maqnaa saaxadda siyaasadda marka laga yimaaddo shir beeshiisu dhawaan ku yeelatay Gobolka Selal, waxaana aad u koobnayd inuu ka muuqdo dhaq-dhaqaaqyada iyo hawl-maalmeedka shaqo ee Golaha Wasiirrada Somaliland.

Go’aanka Is-casilaadda Wasiirka, ayaa ku soo beegmaysa iyadoo maanta Golaha Wakiillada la keenay Mooshin xildhibaannada qaarkood ku codsadeen inay Golaha horyimaaddaan masuuliyiinta Qaranka u qaabilsan hawlaha Amniga si wax looga weydiiyo dhacdadii Ciidanka Qaranka JSL kaga soo baxeen deegaannada Bariga Gobolka Sool.

Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa ka mid ah Wasiirrada ugu cimriga dheeraa Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo uu Shaqada la bilaabay toddoba sanno ka hor.
Mr Cabdiqani Caaateeye ayaa hore u soo qabtay Xilka Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland.

Somalilandpost Media Inc.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories