HomeWasiirkii Amniga Kenya iyo Ku-xigeenkiisii oo ku geeriyooday Shil-diyaaradeed oo ka dhacay...

Wasiirkii Amniga Kenya iyo Ku-xigeenkiisii oo ku geeriyooday Shil-diyaaradeed oo ka dhacay duleedka Nairobi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[N]airobi  (SLpost)- Wasiirkii Amniga Gudaha dalka Kenya iyo Shan qof oo kale ayaa maanta ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay meel u dhow magaalada Nairobi, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka dalkaas.

Madaxweyne ku-xigeenka Kenya Kalonzo Musyoka waxa uu sheegay in wasiirkii Amniga George Saitoti iyo ku-xigeenkiisii Orwa Ojode, ay ku jireen dadka dhintay markii diyaarad boolisku leeyihiin ku dul burburtay meel keyn ah oo ku taala duleedka Nairobi.

blankDhanka kale, Raysalwasaaraha dalka Kneya Raila Odinga oo ka hadlay dhacdadan ayaa ku tilmaamay dhimashada Saitoti masiibo ku habsatay dalkiisa oo wakhtigan diyaar-garow ugu jira qabsoomidda doorashooyinka madaxweyne-nimo oo dalkaas ka dhacaysa sannadka soo socda.

“Dhimashada Saitoti waxay nagu noqotay masiibo weyn oo dalkayaga ku habsatay wakhtigan oo aanu diyaar-garow weyn ugu jirno inaanu qabsanno doorashooyin si nabad ah noogu dhaca,” ayuu yidhi Raysal-wasaare Raila Odinga.

Ilaa immika si cad looma oga sababta keentay shilkan oo ay sidoo kale ku dhinteen ilaaladii wasiirka iyo duuliyeyaashii diyaaradda, waxaana goobta uu shilku ka dhacay gaadhay ciidamada Booliska oo sheegay inay weli baadhayaal sababta shilka dhalisay.

Mr. Saitoti oo ahaa aqoonyahan dalka Maraykanka ku soo Bartay dhaqaalaha iyo Xisaabaadka, ayaa ka mid ahaa shakhsiyaadka si weyn uga dhex muuqda siyaasadda dalka Kenya.

Marka laga yimaaddo xilka wasiirka amniga ee uu hayay, waxa uu ahaa afhayeenka dawladda u qaabilsan arrimaha amniga oo ay ka mid yihiin go’aankii Kenya ciidamada ugu dirtay dalka Soomaaliya sannadkii hore, waxaana la sheegayaa inuu door muhiim ah ka geystay go’aankaas.

Mr. Saitoti ayaa sannadkii hore shaaca ka qaaday inuu isu taagi doono doorashada Madaxweynenimo ee dalkaas ka qabsoomi doonta sannadka 2013.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories