HomeWasiirka Xanaanada Xooluhu Hadduu Talaalay Lo’deeni Iyo Tii Jaarkaba, Maxaa Keenay In...

Wasiirka Xanaanada Xooluhu Hadduu Talaalay Lo’deeni Iyo Tii Jaarkaba, Maxaa Keenay In Laba Markab Oo Lo’ Ah La Inagu Soo Celiyo? W/Q: Dr. Jamaal Ali

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi awDaahir isaga oo ka hadlaya waxqabadkii wasaaradda xanaanada xoolaha ee sanadkii hore 2013, ayaa wasiirrku wuxuu sheegay in wasaaraddu talaashay oo daaweysey 1,500,000 (halmilyan iyo shanboqol oo kun) oo lo’ah.

Tiradaa wasiirku sheegay waxay ka badan tahay tirada lo’da Somaliland ku nool oo lagu qiyaaso 300,000 (saddex boqol oo kun ) sida ay sheegayaan xogo dhawra oo tirakoobyadii lo’deena ah.

Balse tirada lo’duu sheegay wasiirku inuu talaalay oo daaweeyey, waxa loo qaadan karaa in wasiirka xanaanada xooluhu isagoo sugaya caafimaadka xoolaha inuu u talaabay dalalka jaarka ah oo uu xataa lo’doodii talaalay.

Haddana waxa isweydiintu tahay isagoo wasiirku sameeyey dadaalka intaa leeg. Maxaa sababay in laba markab oo lo’ ah oo is xiga lagu soo celiyo xanuun ka mid ah kuwii uu sheegay inuu lo’da ka talaalay. Ummaddu yaabtee, ma Sacuudigaa inagu gafay? Mise wasiirkaa qaraxyo sheegtay oo waxay ka mid tahay mashaariicdiisa xarfadaysan (Rotational grazing system) ee uu wasiirku u la baxay mashruuca qarniga (Project Century).

Mashaariicdan qarniga ee uu wasiirku sheegaa, ma Qoolcaday iyo Aroori baa ganacsade Jaabiri xoolihiisa loo Oodayaa (loo xidhayaa ), iyada oo dadka reer guuraaga ahna laga ceshiimaynayo ama laga weetaynayo xoolohooda.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund) ee mashruucan seerayaasha maalgelinaya waxaan u soo jeedinaynaa in ay ka fiirsadaan maalgashigaa seerayaasha ee wasaaradda xanaanada xooluhu majara habaabisay iyada oo ganacsade Aljaabiri u danaynaysa isla markaana duudsiyaysa dadka reerguuraaga. Oo aan odhan karo mashruucu waa wan weyn badhi ku shub.

Wasiirka xanaanada xooluhu hadduu dadka reer guuraaga ah lexejeclo ka hayso oo uu ina u tudhaayo ummaddaas iyo qarankaba guud ahaan, waxay ahayd in uu eego baahida wasaaradda xanaanada xoolaha oo maanta aan lahayn haba yaraatee adeegii qaboojiyeyaasha talaalka xoolaha (vaccine cold chain systems), haddii wasiirku adeegaa ka dalban lahaa sanduuqa horumarinta Somaliland in laga hirgeliyo dhamaan meelaha xooluhu ku badan yihiin wuxuu wax weyn adeegani ka tari lahaa sidii looga hortagi lahaa ama loo xakamayn lahaa cudurada ganacsiga xoolaha saameeya (Trans boundary Animal Diseases).

Waxaan u malaynayaa hawshan qaranka mihiimka u ahi wasiirka uma muuqan waayine, malaa wasiirku wuxuu doorbiday halkuu dhuuniga ka helaayo.

Qalinkii: Dr. Jamaal Ali

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories