HomeWasiirka Waxbarashada Somaliland oo faro-badnaanta tirada Jaamacadaha dalka ku tilmaantay inay dhalinyarada...

Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo faro-badnaanta tirada Jaamacadaha dalka ku tilmaantay inay dhalinyarada ka horjoogaan Dhibaatooyin kale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa sheegtay inaan la sharaysan tirada badan ee Jaamacadaha Dalka balse laga wada shaqeeyo sidii loo tayeyn, waxaanay tilmaantay in badnaanta tirada jaamacadaha dalku ay ka hortagayso in dhalinyarada Somaliland ay lafahooda wax u bartaan halkii ay ka qaadi lahaayeen ficillo xun-xun oo waxyeello gaadhsiin kara qoysaskooda iyo bulshadaba.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo waxa hadalkan ksha sheegtay munaasibad ay shalay shirkadda TELESOM ku wareejinaysa maamulka Jaamacadda Hargeysa Dhisme cusub oo ay dhistay Kuliyadda ICT-ga, waxaanay wasiirku ku boorisay in dalka horumarkiisa laga wada qayb-qaato oo aan cid kaliya lagu halleyn.

blank
Wasiirka Waxbarashada

“Waxynu ku soo dhisanney oo ay maanta heerkaa ku gaadhney wax wada-qabsiga, hadday shirkadaha tahay iyo hadday tahay shacabka iyo hadday tahay dawladda meel walba aynu sidaa u wada qabanayno, runtii waa inta uu waddan ku dhismi karo, aadbaan u dhiirri-gelinayaa inaynu sii wadno oo aynu iska kaashanno wax waxba oo aynaan cidna ku halleyn, runtii Illaahayna markaas ayuu wax walba inala qabanayaa,” ayey tidhi wasiirka waxbarashada oo dhiirri-gelinaysa faa’idada wax wada-qabsigu leeyahay.

Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan iyada oo ka warramaysa tadawurkii loo soo maray heerka ay maanta marayaan jaamacadaha dalka, tiradooda iyo sida ay dhalinyaradu uga faa’idaysan karaan waxay tidhi, “Jaamacadda Hargeysa waxay soo martay waa la ogyahay, dhibaatooyin badanbay soo martay, haddana waxaas oo dhan waxbay ka faa’idaysanaysay, waxbay ka baranaysay haddii laysku qabsado, marbaa jiray bilaa Deyr ay ahayd oo iyada oo wax lagu baranayo, geeluhu dhex daaqi jiray.” Waxay hadalkeeda ku dartay, “Jaamacadahan badan ee dalka ka jira laftooda dhibaato badan anigu uma arko. Waddankeennu haddaanu caadi ahayn, dhalinayaradu ay hubaysnaayeen, kuwii yaryaraa ay eeganayeen kuwaa hubaysnaa ee dadka dhacayey, in jaamacado la abuuro oo aan la eegin Tayadooda laakiinse ay ardaydii u fadhiistaan fasal oo wax bartaan. Intaas oo arday oo dareeraysa Jaamacadaha, miyaanay wax wanaagsan ku dhiirran? Miyaanay tayadoodu aanay qaar wanaagsanaan?”

Marwo Samsam Cabdi Aadan waxay sheegtay in tirada jaamacadaha dalku ee tirada badan ay dhalinyarada ka horjoogaan inay tahriibaan ama rabshado kale dalka ka abuuraan, “Haddaanay inanta ama inanku waxbarasho ku foognaanin, wax kale oo ka fool xun ayey samayn lahaayeen sida inay tahriibaan ama inay Rabshado galaan. Illaahay mahaddii marka aad aragto tirada Ardayda Iskuulada u dareeraysa, runtii waa wax farxad leh,” ayey tidhi Wasiirka Waxbarashadu.

Haseyeeshee, wasiirku waxa aanay meesha ka saarin in la tayeeyo waxbarashada Jaamacadaha tirada badan iyada oo xustay in sababtay loo sameeyey Komishanka Tacliinta Sare uu yahay in Jaamacadaha loo kordhiyo wixii ka dhinnaa, isla markaana wax uu ardaygu ka baranayo uu noqdo mid waafaqsan baahida dalka.

Ugu dambayntii, wasiirka wasaaradda waxbarashadu waxay u mahad-celisay shirkadda TELESOM oo ay xustay inay kaalin wax ku-ool ah ka qaadato taageerada iyo horumarinta waxbarashada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories