HomeWasiirka Waxbarashada Somaliland oo digniin u diray Shirkado Dhac u geysta Ardayda...

Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo digniin u diray Shirkado Dhac u geysta Ardayda dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Burco (SLpost)- Wasiirka waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa digniin u diray shirkaddo uu sheegay in ay sifo qaldan lacago uga urursadaan dhallinyarada ka qalin jabisa dugsiyada sare ee dalka.

Ardayda ayaa inta badan isku daya inay dalka dibadiisa u raadsadaan waxbarasho Jaamacadeed.

blankWasiir Axmed Toorno, ayaa sheegay in aanay jirin haba yaraatee shirkad bixisa waxbarasho lacag la’aan ah oo jaamacad dibadeed ah.

Balse shirkadaha iyo shaqsiyaadkaasiba ay yihiin kuwa ku doonaya lacago ay dhallinyarada ka qaadan. “Waxaan dhallinyaradda uga digayaa, waxaan maalin walba aragnaa shirkad waxbarasho bilaasha xayaysiinaysa. Waxaa jira ragg ku shaqaysta oo wasaaradda na aan ka diiwaangashanayn,” ayuu yidhi Wasiirku.

“Digniin na waanu siinay. Mar labaad na waan ku celinayaa. Arday danyara oo waxbarasho doonaya ayay ku odhanayaan ‘waxbarasho bilaasha ayaanu ku raadinaynaaye lacag keen” ayuu yidhi wasiir Axmed Toorno oo hadal ka jeedinayay xafladdii qalin-jabinta ardayda jaamacadda magaaladda Burco oo todobaadkan qabsoontay.

Geesta kale wasiirku waxa uu dhallinyarada dugsiyada sare ka baxay ugu baaqay in cidiii doonaysa waxbarasho dalka dibadiisa ay wasaaradda la soo wadaagto, si ay uga caawiyaan wixii xaqiiqo ah, waxaanu yidhi, “Ardayda waxaan leeyahay wasaaradda waxbarashadda la soo xidhiidha, si aanu kaaga eegno, cidd inta yar ee aad hayso doonaysa in ay dhufato iyo in dan kale laga leeyahay.”

“Shirkad ayaa meel laga furayana heblaayo inter price shan boqol oo kun ayay ku qaadanayaan imtixaan way ka cararayaan hadhaw.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirku.

 

Somalilandpostnet

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories