HomeWasiirka Waxbarashada oo shaacisay Qorshe Xukuumaddu Xirfado Shaqo ugu Abuurayso Dhalinyarada

Wasiirka Waxbarashada oo shaacisay Qorshe Xukuumaddu Xirfado Shaqo ugu Abuurayso Dhalinyarada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa  sheegtay in Xukuumadu qorshaynayso sannadka cusub 2014-ka sidii ay ardayda  iyo dhalinyarada Somaliland ugu abuuri lahayd mashaariic yar-yar oo xirfadaha lagu shaqaysto ah, kuwaas oo sida ay wasiirku sheegtay loogu talo-galay inay qayb-qaadato xakamaynta tahriibta.

Marwo Samsam Cabdi Aadan oo doraato ka qayb-gashay Munaasibad loo sameeyey abaal-marinta la guddoonsinayey Ardaydii ugu sarraysay Nuuradiin Imtixaanii Shahaadiga ahaa oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay inay kaaf iyo kala-dheeri yihiin xaaladda ay ku sugan yihiin dhalinyarada u tahriibta Yurub iyo muuqaalka guud ee laga aaminsan yahay, waxaanay tidhi, “Waddanku waxa uu u baddan yahay dhalinyaro, haddana waxa inoo soo baxay dhalinyaro aad u wanaagsan. Tahriibka ayaa dhibaato inagu haya, taana Illahay wuu inaga saarayaa, waayo imika carruurtu way fahmeen Inanka yar ama Inanta yar ee  rafaadka kala kulanta magaalada ugu horeysa ee Malta iyo dalka Talyaniga. Markiiba Baabuur iyo aqal aanu garanayn cid leh ayuu isku soo sawira, markaasu soo dhigaa Face-buuga, Ilma waliba waxa uu moodayaa in meesha (qurbaha) markiiba laga helaayo alaabtaas, laakinse maaha runtii oo waddankeena (Somaliland) ayaa ka wanaagsan oo nimco badan ayaa taala, Illaahay waxa uu inagu kaalmeyn dhulka loo tagayo qaxoontiga inay innaga inoo yimaadaan.”

Samsam Cabdi AadanWasiirka waxa kale oo faahfaahin ka bixiyey mashaaric farsamo oo sannadka soo socda laga hirgelin doono Somaliland si ay qayb uga qaataan xakamaynta shaqo la’aanta haysata dhalinyarada dalka, waxaanay tidhi, “Sannadka cusub (2014-ka), waxaanu ku dedaalaynaa inaanu dhalinyarada u sameyno mashaariic yar-yar oo fara badan. waxa yaab leh oo aad la yaabi doontaan Nin Ingiriisa ayaa  inoo imanayaoo  dhalinteena baraya sida burcadka (Cheese), looga sameeyo caanaheena, sida Subageena loo lullo, waxa uu ka beeray meel u dhow magaalada Cardiff ee dalka Ingiriiska. Ninkan oo la yidhaahdo Hamish Wilson, waxa uu beertaas u bixiyey ´Degmo´waxa uu ka beeray Geed-Xabagii, waxa uu sameeyey hadhuudhkii, waxa uu caanaheeni ka sameeyay burcadkii, waxaanu maalin dhaweyd oo uu ii sheekaynayey ii sheegay inuu Subageenu noqday oo uu suuq yeeshay, dabadeedna waxaan doonayaa ayuu yidhi inaan Somaliland ka furro, oo waxaanu sanadkan ugu darnay miisaaniyadda, markaa waxa loo bixinayaa ´Degmo Somaliland ah,” ayey tidhi Wasiirka Waxbarashadu.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories