HomeWasiirka Waxbarashada oo Safiir Galaal ku Eedeeyay in uu u Gacandhaafay Arrimaha...

Wasiirka Waxbarashada oo Safiir Galaal ku Eedeeyay in uu u Gacandhaafay Arrimaha Waxbarashada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost):- Wasiirka waxbarashadda iyo tacliinta sare Mr. Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi dheere), ayaa  dhaliilay safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya  Maxamuud Aadan Jaamac (Galaal) oo uu sheegay inuu faraha la soo galay shaqo aanu u xil saarnayn, waxaanu is weydiiyay xilliga danjiruhu isu bedalay  Wasiirka Waxbarashadda.

Wasiirka Tacliintu waxa uu ka xumaaday Danjire Galaal oo  toddobaadkii hore sheegay in si cadaalad ah ay u qeybiyeen Deeq waxbarasho oo Itoobiya siisay Somaliland.

Cabdilaahi Ibraahim Habbane waxa uu arrintaas kaga hadlay shir jaraa’id oo uu shalay ku  qabtay  xafiiskiisa, waxaanu sharaxay gefaf maamul oo uu xusay inuu ku tallaabsaday safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya.

“Safiirka Somaliland ee Addis-ababa  ayaa ka hadlayay deeqdaas  oo lahaa caddaalad baanu ugu qeybinay, dugsiyada hadlayayna qabyaalad bay ku hadlayaan, goormuu  isagu Wasiirkii waxbarashada noqday? goormuu isagu imtixaannada qaaday? oo uu ogaaday ka sarreeyay iyo ka hooseeyay? Arrimahaasi gef weeye. Haddii aan ka waramo wasaaradda arrimaha dibadda soo khalad maaha? Wuu na waydiin karaa wuxuu odhan karaa, wixii la ina siiyay siduu innaga noqday ama war iga soo siiya,wuu ina odhan karaa,waayo wuu inna metelaa oo magaceenna ayuu ku fadhiyaa Itoobiya. laakiin, caddaalad bay ahayd, annagaa qeybinay, kuwa hadlayaa qabyaalad bay ku hadlayaan inuu yidhaahdo maaha. Goormuu (Safiirku)  isagu dadka Imtixaanaad ka qaaday, goorma ayuu natiijadooda soo saaray? Waar nin walba dariiqiisa inuu garto weeye,” Ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashadda iyo tacliinta sare.

Wasiirku isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay “Deeqdii waxbarasho ee aynu ka helnay dalka Itoobiya waxay noqotay  50 arday,kontonkii ardayna way innoo qeybsami waayeen  kadibna waanu hakinay waxaanan uga gudubnay in aanu Jaamacadaha dalka ku qasabno in ay qaataan 336 arday oo u badan agoon iyo danyar aan awoodin in ay iska bixiyaan kharashka jaamacaddaha , taasna lagaga maarmo konton arday oo aan innoo qaybsamayn.”

 

Safiirka Somaliland ee u fadhiya dalka Itoobiya Mudane Maxamuud Aadan Jaamac (Galaal) ayaa hore uga jawaabay eeddo musuqmaasuq oo dugsiyada sare ee caasimadda qaar ka mid ahi ku sheegeen in lagu lunsadday deeqo-waxbarasho oo dawladda Itoobiya siisay, isaga oo sheegay in ay si cadaalad ah oo aan qabyaaladdi ku jirin u qaybiyeen.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories