HomeWasiirka Waxbarashada oo ka Jawaabay Hadal Deeq Waxbarasho ku Saabsan oo ka...

Wasiirka Waxbarashada oo ka Jawaabay Hadal Deeq Waxbarasho ku Saabsan oo ka soo Yeedhay Raysal Wasaare-xigeenka Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargaysa(SLpost)-Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Md Cabdillaahi Ibraahin Habbane ayaa ka jawaabay hadal dhawaan ka soo yeedhay raysal wasare ku xigeenka dawlada Somaliya oo ku saabsanaa inay Somaliland siiyaan deeqaha waxbarasho ee ay dibadaha ka helaan .

Wasiir Cabdillaahi Habbane waxa uu sheegay inaanay waxba ka soo gaadhin deeqaha uu sheegayo Somaliland iyo Somaliyana kala yihiin laba dal oo kala madax banaan .

Wasiir Waxbarashada oo kulan u qabtay maamulayaasha dugsiyada sare ee gobolka Maroodijeex ayaa sheegay in hadalka ka soo yeedhay raysal wasaare ku xigeenka dawlada Somaliya waxba ka jirin isla markaana aanu arag Somaliya deeqo ay Somaliland u keenaan basle Somaliland dalalka caalamka si madax banaan uga qaadato deeqaha waxbarasho.

“Had iyo jeer innagu deeq waxbarasho ma helno, magacii Soomaaliya cid baa ku shaqaysanaysa, kuwo inaga ina ahina inaagabay ina sheegtaan, Ina Carte Qaalib baa maalin dhawayd lahaa deeqaha waxbarashada waannu u dirnaa, yuu u soo diraa? Ma Xamar buu ka iibiyaa? Yaase u wakiishay inuu innaga wax noo soo diro? ayuu yidhi Cabdillaahi Habbane

Wasiirka waxbarashada Somaliland Md Cabdillaahi Dheere waxa uu sheegay in Somali laba qaybood kala ahayn .

“Soomaali laba kala madaxbannaan bay ahayd, qayb waqooyi ah iyo qayb Koonfur ah, caalamkuna inuu sidaa wax u siiyo weeyaan. Soomaali iyagay u taala hadday kala tegayso iyo hadday is raacayso, laakiin laba kala madaxbannaan baan ahayne waa in aynu qaybteena (Entity) wax ku helnaa  oo Somaliland ahqaybtooda siday u kala qadanayaan iyo siday maamuladan faraha badan isu siinayaan.”ayuu yidhi wasiirka waxbarashada Somaliland.

Waxaa uu sheegay inay maamuladda ka jira Somaliya  loo sameeyay sidii Somaliland loo curyaamin lahaa.

“Boqolkaas maamul ee la samaynayaana waa curyaamin  Somaliland ah ilayn Koonfur iyo Waqooyi uun baynu ahayne. Marka aan doon doonayno Soomaaliweyn labadaas uun baynu ahayne ma wax kala jiray. Soomaali weyn baa la doon doonaayey waa la waayey. Markii u horraysay ee ay burburtay Soomaali waxay ku burburtay NFD oo aftidii laga qaaday la diiday oo Xayle Salaase telefoon uu u diray Madaxweyne  Ra’isal-wasaarihii Ingiriiska ayaa lagu joojiyey aftidii dadka laga qaaday oo uu yidhi bari bay anniguna Soomaalidu I odhane jooji,”ayuu yidhi wasiirka waxbarashada Somaliland.

Wasiirka waxbarashadu waxa uu fariiin u diray bulshada caalamka isagoo sheegay in Somaliland nabadeeda ilaashanaysay sannado badan .

“Soomaali way baaba’day oo nin walba dambaskiisu hagaajistay, haddii aan dambaskeenii hagaajisanay oon nabadnahay, caalamku ma inuu ina gacansiiya, mise waa inuu ina kala kaxeeyo? Inuu ina gacansiiyo ayeynu xaq ugu leenahay, haddii kale in ay ina dayaan weeyaan oo aynu iskeen isugu tashano, sidaynu nabadeenaba isugu tashanay.

Duwalka deeqaha bixinaya waxa aan u sheegayna in Soomaalidu laba ahayd, annaguna aanu nahay kuwii xornimada ugu hor qaatay, haatana aannu la soo noqonay, qolo waliba dambaskeedii bay fadhidaaye, haddii ay wax tarayaan qolo kasta halkeeda wax ha ku taraan.”ayuu yidhi Cabdillaahi Dheere.

Waxa uu sheegay in dadka xamar jooga ee ka soo jeeda Somaliland aanay matalin shacabkan Somaliland.

“Afarta Xamar jooga ee aan cidna ka wakiilka ahayn, cidna ma metelaan, waliba Ina Carte Qaalib waakii halkan joogayee yuu metelaa? Sawkii inta uu carruuraha halkan ka guray lacagta yidhi waxbarashaan idin geynaya ee markii dambena Nairobi u baxsaday, intuu yidhi urur baan furanaya,”ayuu yidhi Cabdillaahi Ibraahin Habbane wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland.

Raysal wasaare xigeenka dawladda Somaliya ayaa sheegay inuu deeqo waxbarasho siiyo Somaliland isagoo ugu hagaajiya wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland.

 

Somalilandpost.net 

Hargeysa-Somaliland

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories