HomeWasiirka Waxbarashada oo Furtay Fasallo Shirkadda Dahabshiil u Hirgelisay Jaamacadda Hargeysa

Wasiirka Waxbarashada oo Furtay Fasallo Shirkadda Dahabshiil u Hirgelisay Jaamacadda Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa xadhigga ka jartay dhisme fasallo waxbarasho ah oo Jaamacadda Hargeysa ay u dhistay shirkadda Dahabshiil Group.

dahab_HUDhismahan oo ka kooban afar fasal oo ardaydu wax ku baran doonto iyo xafiis maamul oo loo dhisay qaab heersare oo jaamacadeed ah, waxa madal kooban oo xadhigga lagaga jaray ka qaybgalay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, masuuliyiin ka tirsan shirkadda Dahabshiil oo ay ka mid yihiin Maareeyaha xawaaladaha iyo sarrifka lacagaha iyo madaxda xafiiska xidhiidhka dadweynaha.

Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr Cabdi Xuseen Gaas oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in dhismahani wax wayn ka qaban doono baahiyaha jaamacadda, isagoo uga mahadceliyey shirkadda Dahabshiil taageerada faraha badan ee ay bixiso, waxaannu ka rajeeyey inay shirkaddu sii wadi doonto gacansiinta jaamacadda.

Maareeyaha Guud ee Xawaaldaha iyo Sarrifka Dahabshiil Mr. Cabdiraxmaan Cali Cabdi ayaa sheegay in dhismahan shirkadoodu hirgelisay uu ahaa baahi ka timi jaamacadda oo ay ardayda wax ka barata ay ku yaraadeen fasallada waxbarashadu.

Isagoo ka warramayey kaalinta shirkadda Dahabshiil ka qaadato dhinaca waxbarashada waxa uu yidhi, “Sharaf bay u tahay shirkadda Dahabshiil inay mar walba ka qaybqaadato taageerada meelaha danta guud ee bulshada wax u qabanaysa, gaar ahaan waxbarashada si aqoonta dhallinyaradeena iyo ta dalkeennuba u dhisanto, mana aha jaamacadda Hargeysa tii kowaad ee aannu wax u qabanno ee jaamacadaha kale ee Boorama, Burco, Berbera iyo Ceerigaabo dhammaantood dhismayaal iyo taageerooyin kale ayaanu u qabanay. Waxaan xasuustaa jaamacadda Hargeysa markii la xaadhxaadhayey si loo bilaabo shirkadda Dahabshiil waxay ahayd tii qaybta ugu badan ka qaadatay.”

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan oo halkaasi ka hadashay ayaa ku ammaantay shirkadda Dahabshiil waxqabadka uu dalka geliyo oo ay ku tilmaantay wax mug leh oo muuqda.

Dahab_HU3

“Aad baan ugu mahadnaqayaa shirkadda Dahabshiil oo runtii wax mug leh u qabta ummadda reer Somaliland, gaar ahaan meelaha danta guud ah sida cusbitaallada, dugsiyada iyo jaamacadaha waxbarashada iyo meelo badan oo kale, waana wax lagu daydo. Maaha oo keliya taageerada ee xataa meelaha Dahabshiil dhisanayso waa wax tayo leh oo aad arkayso in lacag badani gashay iyo maagelini, waxaannu qofku muwaadin ku noqdaa marka uu hantidiisa huro oo uu dhaqaale intaa le’eg geliyo dalkiisa, markaad eegto meelo ay Hargeysa ka mid tahay waxaad arkaysaa meelo Dahabshiil ku bixiyey lacag malaayiin ah, markaa waxaad dareemaysaa inuu aaminsan yahay dhulkiisa, qofkuna waxa uu muwaadin noqdaa oo uu meeshiisa yeeshaa markuu cashuurtana bixiyo ee uu dhaqaale geliyo ee maaha waan ku dhashay.”

Dahab_HU4Waxa kale oo ay uga mahadcelisay shirkadda caawimada uu ka gaysto horumarinta waxbarashada dalka, iyadoo xustay in inta badan meel kasta oo dalka ah ay ku aragtay dhismayaal dugsiyo waxbarasho oo Dahabshiil maalgeliyey.

“Dhismahan cusub ee jaamacadda Hargeysa oo baahi badan loo qabayna waanu ka guddoonay Dahabshiil, waxaannu Ilaahay ka baryeynaa in ardayda ka aflaxdaa noqdaan kuwa sidaa Dahabshiil iyo si ka wanaagsan waddanka ugu shaqeeya,” ayey hadalkeeda ku soo gebogabaysay Marwo Samsam Cabdi Aadan.

Ugu dambayntii Wasiirku waxay si rasmi ah u furtay dhismahaasi oo noqonaya kii afraad ee shirkadda Dahabshiil u hirgeliso Jaamacadda Hargeysa muddooyinkii u dambeeyey.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories