HomeWasiirka Waxbarashada oo Furay Dugsiga Agoomaha Burco oo ay hirgelisay African Relief...

Wasiirka Waxbarashada oo Furay Dugsiga Agoomaha Burco oo ay hirgelisay African Relief Committee

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Burco (SLpost)- Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland oo ay weheliyaan masuuliyiin kale, ayaa xadhigga ka jaray Dugsiga Agoomaha ee gobolka Togdheer, kaas oo ay Burco ka dhistay Hay’adda African Relief Committee.

Hay’adda African relief committee, oo ah Hay’ad ka shaqaysa waxbarashada, taakulaynta iyo daryeelidda Carruurta Agoomaha ah, ayaa Dugsigan ka hirgelisay magaalada Burco, waxaanu isugu jiraa Dugsigaasi oo Boodhan ahi jiif, cunto iyo waxbarasho.

Waxaana ka qaybgalay Munaasibadda lagu furay Dugsigaas Madaxda Hay’adda, Madax-dhaqameed iyo Masuuliyiin dowladda Somaliland ka tirsan oo Wasiirro ka mid yihiin, waxaanay dhammaan xubnaha halkaas ka hadlay u mahad-naqeen Hay’adda African Relief Committee oo ay maalgeliso dowladda Kuwaite.

Ugu horreyn Cabdiraxmaan al-Macallimu oo ah Madaxa Xafiiska Hay’adda African Relief Committee ee Somaliland, ayaa ka warbixiyey Dugsigaas oo uu sheegay inay u diyaariyeen qaab dhammaystiran, isla markaana ku habboon deegaan waxbarasho. Waxaanu tilmaamay inay Hay’ad ahaan Somaliland ka hirgeliyeen xarumo kala duwan oo waxbarasho oo ay ka faa’iidaystaan ubad badan oo Agoon ah, isla markaana ay sii wadi doonaan adeegyadooda waxbarasho iyo taakulaynta kala duwan ee ay Somaliland ka fuliyaan.

Suldaan Axmed Maxamed Colhaye (Abu-Salmaan), oo ka mid ahaa xubnaha xafladdaas Dugsiga lagu furay ka qaybgalay, ayaa ammaanay Hay’adda Kuwaydiga, waxaanu yidhi; “Hay’addan African Relief Committee ee Kuwait, waa hay’ad qiimo weyn ku leh Somaliland, waxay ka soo aasaasantay caasimadda, waxay u soo fidday gobollada, waxaynu joognaa gobolka Togdheer oo ay Dugsigan qiimaha leh oo aynu filayno inay ka sii ballaadhiso.”

La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha Bulshada Cabdiwaaxid Cabdiqaadir, oo isna xafladdaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin oo soo dhawaynayaan adeegyada Hay’addani ka fuliso Somaliland. “Waa wax aad iyo aad loogu baahnaa, Hay’addu hawsha ballaadhan ee ay dalka ka waddo Bari iyo Galbeed-ba waan uga mahad-naqaynaa. Xarunta ay Hargeysa ka dhistay Hay’addu ee quruxda badan ee waxbarashada, beerta iyo qalabaynta tahayba, runtii door weyn bay ka qaadatay farsamada iyo bilicda-ba,” ayuu yidhi La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Bulshadu.

Sidoo kale, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi; “Hindisaha iyo hannaanka dowladda ayey tahay in la horumariyo waxbarashada, caafimaadka, farsamada gacanta iyo dhammaan waxyaabaha mustaqbalka ubadkeennu ku hagaagayo.”

Waxa uu Wasiirka Dastuurka oo hadalkiisa sii watay intaas ku daray; “Waxa Hay’addu wax ka tartay Boorama, Hargeysa iyo gobollo kale. Markii la xaqiijiyey waxtarka ay leedahay Hay’addu, waxa la go’aansaday oo Madaxweynuhu uu Masuuliyiinta heer Qaran ee Kuwayd iyo kuwa halkan innala jooga intaba isugu yeedhay in Hay’adda dalka oo dhan lagu ballaadhiyo.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Dastuurku.

Gebo-gabadii Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo Dugsigaas furay, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanu u mahad-celiyey Hay’adda Kuwait foundation oo uu tilmaamay inay barnaamijyo muhiim ah oo waxbarasho u badan Somaliland ka fulisay.

“Ardayda waxaan ugu bushaaraynayaa waad aragtaan dhulka la idiin dhisaye, waa inaynu marka koowaad Allaah ugu mahad-naqnaa. Marka labaad waxaan Ardayda iyo Waalidkaba u sheegayaa, inaynu ka faa’iidaysanno oo aynu dhawrno hantida Badda ka soo gudubtay ee halkan la innoogu keenay oo aynu ilaashanno.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashada Somaliland.

Hay’adda African Relief Committee, oo ah Hay’ad ka shaqaysa waxbarashada, taakulaynta iyo daryeelidda Carruurta Agoomaha ah, ayaa Dugsigan ka hirgelisay magaalada Burco, ayaa sidoo kale, goobo waxbarasho oo kan la mid ah ka hirgelisay magaalooyinka Boorama iyo Hargeysa, sidoo kalena adeegyo taakulo ah ka fulisay guud ahaan gobollada Somaliland sannadihii u dambeeyey.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories