HomeWasiirka Waxbarashada oo faahfaahiyey Baadhitaan Hanti-dhowrku ka wado Wasaaraddiisa iyo Khilaafka Dugsiyada...

Wasiirka Waxbarashada oo faahfaahiyey Baadhitaan Hanti-dhowrku ka wado Wasaaraddiisa iyo Khilaafka Dugsiyada Gaarka loo leeyahay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland Md Cismaan Jaamac Aadan, ayaa faahfaahin ka bixiyey Hawl-gallo baadhitaan ah oo Hantidhowrka Guud ee Qaranka muddooyinkii u dambeeyey ka waday Wasaaraddiisa.

Wasiirku waxa uu sheegay in baadhitaanku Hanti-dhowrku ku kooban yahay Xafiiska Xisaabaadka ee Wasaaradda, balse aanu ahayn mid lagu baadhayo Laamaha kala duwan ee Wasaaradda Waxbarashada.

Wasiirka oo saxaafaddu maanta weydiisay jiritaanka Hawl-gallada Baadhitaan ee Hanti-dhowrku ka bilaabay Wasaaraddiisa iyo in la furay Xafiisyo Hanti-dhowrku calaamadiyey inaan la furi karin muddada hawshooda baadhitaan ay dhammeysanayaan, waxa uu ku jawaabay, “Hanti-dhowrku baryahanba wasaaradda way fadhiyeen, maaha wax cusub, way dhammeysteen shaqadooda. Inyar oo u hadhsanayd ayay u joogaan. Xafiiska wasiirka ka ku xiga oo qaar xisaabiyeyaal ahi fadhiistaan, waan arkay waa lagu dhejiyey waraaqo, waraaqihii qaar waa la gooyey, laakiin halkii furuhu ku jiray lama jarin, iyaguna way arkeen oo way ku qanceen inaan xafiiskaas la furin,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Cismaan Jaamac.

Dhinaca kale, Wasiirka Waxbarashadu waxa uu ka hadlay arrimaha lagaga hadlay iyo natiijada ka soo baxday kulan uu maanta la yeeshay Guddi ka tirsan Guurtida oo Guddoomiyaha Golahaas u saaray xal-u-raadinta khilaaf u dhexeeya Wasaaradda Waxbarashada iyo Dugsiyada Gaarka loo leeyahay.

Maamuleyaasha Dugsiyada Gaarka loo leeyahay, ayaa Guurtida u gudbiyey Warqad cabasho ah oo ay kaga dalbanayaan xal-u-helista khilaaf soo kala dhex-galay Wasaaradda Waxbarashada oo Dugsiyaga gaarka loo leeyahay ku soo rogtay inay u hoggaansamaan Siyaasadda guud iyo Xeerka Waxbarashada Qaranka iyadoo sidoo kale dugsiyadaas laga reebay Deeqaha Waxbarasho heer Qaran oo sannadkan lagu soo koobay lana siiyey Dugsiyada Dowliga ah.

Wasiirku waxa uu sheegay in kulanka dhexmaray Guddiga loo xil-saaray arrintan uu si guul ah ku soo dhammaaday isla markaana ay dhinacooda u sharraxeen siyaasadda guud ee Xeerka Waxbarashada heer Qaran iyo shuruudaha ku jira xeerkaas ee Dugsiyada Gaarka loo leeyahay ka biyo-diideen.

“Waxaanu u ugu nimi si aanu ugu faahfaahinno xeerka waxbarashada Dowladda iyo ka gaarka loo leeyahay oo isku mid ah, si ay u ogaadaan oo macluumaad uga helaan guddigu. Waanu u sharraxnay, iyaguna su’aalo ayay naga weydiiyeen, waanu uga jawaabnay, arrintaasina halkaasay ku dhammaatay.”

Muuqaalka Hoose ka Daawo Hadalka uu Wasiirku kaga Hadlay labada Arrimood.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories