HomeWasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo Xilalkii ka Qaaday Masuuliyiin ka tirsanaa Wasaarraadda Qaar...

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo Xilalkii ka Qaaday Masuuliyiin ka tirsanaa Wasaarraadda Qaar Cusubna u magacaabay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) ayaa xilalkii ay wasaaraddaasi ka hayeen ka xayuubiyay masuuliyiin sarsare ka dib markii wasaaraddaasi ka bixi weyday khilaaf muddooyinkii u dambeeyey hadheeyey.

Masuuliyiinta xilalkii ay hayeen laga qaaday ayaa waxa ka mid ah Agaasimihii Telefishaka Qaranka Axmed Saleebaan (Dhuxul), Agaasimihii Wargeyska Afka Dawladda Ee Dawan Maxamed Cismaan Mire (Sayid) iyo Agaasimihii Maamulka Lacagta.

Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Wasiirka Warfaafinta ayaa u dhigna sidan:

“Anniga oo ah wasiirka wasaarada war faafinta iyo wacyigelinta Jamhuuriyada Somaliland C/raxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) ahna afhayeenka rasmiga ah ee xukuumada Somaliland, waxaan halkan ku soo saarayaa  go’aamo maamul oo daaran dar-dar gelinta hawlaha wasaarada war faafinta qaybo ka mid ah.

Waxa kale oo aan go’aamadan aanu soo saarnay uga gol leenahay in aanu  hawada iyo saaxadaba ka saarno hadal haynta dami wayday ee lagu saydhinaayo wasaaradda war faafinta oo ka mid ah hormoodka hay’adaha jamhuuriyada Somaliland, ee uu hogaamiyo madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dadaal iyo duunyo badanba geliyay, mana suurtawdo in guulihii xukuumaddan  dadaashay loo bedelo guul darooyin iyo dacaayado ay ku dawarsadaan ma-kas aan dal iyo dadba muraad ka lahayni.

Waxa kale oo aanu go’aammadan uga gol leenahay in ay digniin u noqoto dad faro- ku-tiris ah oo caadaystay in ay wiiqaan hawlaha wasaaraddan:

Go’aammada wasiirka:-

1.    Xasan Maxamed Maxamuud: Agaasimaha waaxda maamulka iyo TV-ga Qaranka:

Soddonkii bishii Julaay 2012-kii ayaa hanti-dhawr ku waa-bariistay wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland hawl-galkaas oo dhaliyay in saldhiga Koodbuurlagu xidho Xasan Maxamed Maxamuud. Arrintii waxay gashay xeer ilaalinta iyo maxkamada oo Xasan Maxamed Maxamuud ku sii daysay dammiin.

Intaa ka dib war qad u qoran sidii taararkii hore ayuu hanti-dhawrku noo soo qoray, taasi oo ay ku sheegeen:

-tirade lacageed ee Xasan Maxamed Maxamuud lagu soo eedeeyay.

– iyo in aanu hawshiisii geli karin ilaa ay baadhistu dhamaanayso.

 Xasan Maxamed Maxamuud xerada wasaaradda warfaafinta in uu soo galo wax fal danbiyeed ah oo ku jiraa ma jiro oo aan ahayn in aanu wax hawl ah qaban ilaa inta ay baadhistu dhamaanayso. Arrinta Xasan Maxamed Maxamuud hawl aniga ii taala ma aha. Waa hawl u taala hanta-dhawrka iyo garsoorka Somaliland, waxaana lagu camal fali doonaa wixii go’aamo ah ee ka soo baxa.

Haddaba maa-daamma ay baadhistii dheeraatay, hawlaha xasaasiga ah ee wasaaradduna u xannibnaan karin waxaan si-ku-meel-gaadh ah ugu magacaabayaa:

1: Maxamed Sheekh Maxamuud Cawaale oo ah Agaasimaha waaxda maamulka ee idaacada Radio Hargaysa.

2: Xuseen C/laahi Deeqsi oo ahaa madaxa barnaamijyada ee TV-ga qaranka, waxaan u magacaabay Agaasimaha TV-ga qaranka Somaliland.

3:  Cumar Maxamed Faarax oo ahaa tafaftiraha wargeyska Dawan, waxaan u magacaabay guddoomiyaha Dawan Media Group.

Anniga oo hawshoodii hore ee ay soo qabteen uga mahad celinaya, waxaan si naxariis leh oo weliba dabacsan uga codsanayaa madaxdii xilalkaa hore haysay in ay madaxda cusub ee la magacaabay xilalkii ay hayeen ku wareejiyaan, iyaga oo mahad san ugu danbayn 1-da bisha September 2012-ka.

Waxaa xilalkaa kala wareejintooda u xil saaran  in ay fuliyaan guddida hoos ku qoran:

1.    C/rashiid Jibriil Yuusuf:  Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta.

2.    Siciid Aadan Cigge:Agaasimaha Radio Hargaysa.

3.    Mukhtaar Axmed Sheekh Aadan: Agaasimaha Waaxda qorshaynta.

FIIRO GAAR AH:

Baahida jirta awgeed, ku simaha agaasimaha waaxda maaliyada iyo xisaabaadka Maxamed Sheekh Maxamuud Cawaale, wuxuu hawshiisa bilaabayaa  berrito oo ay bishu tahay 28-ka ogosto 2012, haddii Eebe idmo.’

Gobonimo dadkaa muddan,

Galladana Allaa iska leh.

Muddane C/raxmaan Yuusuf  Ducaale (Boobe).

Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta jamhuuriyada Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories