HomeWasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Xilkii Kala Wareegay Wasiirkii Hore

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Xilkii Kala Wareegay Wasiirkii Hore

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargaysa(SLpost)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis, ayaa xilkii wasaaraddaas si rasmi ah ugu wareejiyey Wasiirka Cusub ee dhawaan xilkaas loo magacaabay Md Sacad Cali Shire. munaasibad lagu qabtay Hoolka Green Plaza ee Magaalada Hargeysa ayay labada masuul xilka kula kala wareegeen.

 

Munaasibaddan ayaa waxa kasoo qaybgalay Wasiirro, Xildhibaanno, Siyaasiyiin Xukuumadda hore xilal uga Hayn jirey, tiro kamid ah Safiirrada Somaliland ku leedahay Waddamada Dibadda, Xubno ka socday Safaaraddaha Caalamku ku leeyihiin Somaliland, Xildhibaanno, Wasiirrada Xilalka la kala wareegayey iyo Marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana Halkaas laga jeediyey Hadallo lagu sagootiyey Wasiirkii hore, isla-markaana lagu soo dhaweynayey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Xilkeeda la wareegay.

Xubno ay kamid ahaayeen Hoggaanka Xafiiska Qurbe-joogga, hogaanka waaxda La Dagaallanka Budhcad badeedda iyo siyaasiyiin kale oo halkaas ka hadlay, ayaa si weyn wasiirkii hore ugu ammaanay doorkii wax-qabad ee uu  kaga  suntanaa wasaaradda, waxaana ay ka markhaati kaceen inuu ahaa Hogaamiye horumar ballaadhan gaaadhsiiyey Wasaaradda uu muddada kooban gacanta ku soo hayey.

Ugu Horrayn Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo  iskaashiga caalamiga ah Md Axmed Aadan Keyse oo Halkaasi ka Hadlay ,ayaa ku dheeraaday horumarkii ay wasaaradda Arrimaha Dibaddu kusoo tallaabsatay muddadii uu wasiir Maxamed Biixi hoggaaminayey, waxana uu tilmaamay inuu yahay shakhsi wax badan u qabtay wasaaradda iyo Qaranka Somaliland-ba, “Wasiir Maxamed Biixi muddo aan badnayn buu hayey xilka uu maanta wareejinayo, waxana uu kamid ahaa Wasiirrada shaqada ugu badan ka geystay wasaaradda, isagoo qaranka kusoo xidhay Dalal badan oo shisheeye, isla-markaana meelo badan oo caalamka kamid ah kaga hadlay qaddiyada Somaliland. Waxana isagoo kaashanaya xidhiiidhkii wanaagsanaa ee Caalamka la lahaa muddadii uu Qaramada  midoobay kasoo shaqaynayey uu  Somaliland ka dhigay mid hadalkeedu meel sare gaadho oo goobo aanay markii hore gaadhi jirin oo lagaga hadli jirin lagaga hadlo. Wasiirka cusubna ma aha mid maanta cusub oo la barayo, balse London iyo Hargeysaba si fiican baanu iskugu naqaanaa oo muddo badan baanu soo wada shaqaynay, waana Nin karti badan oo aan hubo inuu wax badan wasaaradda ka qaban doono.” Ayuu yidhi Axmed-keyse.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Md Maxamed Biixi Yoonis oo isaguna Halkaas hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey, ayaa ugu horrayn Hadalkiisa ku ibo furay Doorkii muuqday ee uu kasoo qaatay Wada-hadalladii Hakadka galay ee Somaliland iyo Somalia u dhexeeyey, “Intii aan wasaaradda Joogay haddaa ku horreeyo dhinaca wada-hadalladii aynu Somalia kula jirney, waxanu galnay wada-hadallo muddo socday balse aan bislaanin, waxana aanu markii noogu dambaysay Goosanay oo talo ku gaadhnay in wada-hadalku aanu ahayn mid Somaliland dani ugu jirto, isla-markaana la joojiyo ilaa wada-hadalku noqdo mid Caalamku kasoo qaybgalo oo dhexdhexaadin rasmi ah laga gelin, Maantana dardaarankaygu waa Inay wada-hadalladu socdaan aad baanu wakhti u gelinay dalal bandanna waanu kala hadalnay, maanta dalal badan baa jira oo diyaar u ah inay kasoo qaybgalaan, Laakiin arrinta ictiraaf raadintu waa halbawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda mar walba.” Ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiirka hore ee Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inuu muddadii uu xilka hayey kulamo badan la yeeshay Madaxda Caalamka si weyn looga qaddariyo oo aanay taariikhda hore u dhicin inay Wasiirrada dhiggiisa ahi gaadhaan, waxana uu yidhi,“Waxan isleeyahay waxad tahay wasiirkii ugu horreeyey ee la kulma madaxweynayaashii ugu tirada Badnaa ee Wasiir dhiggayga ahi la kulmo, iyadoo aan is leeyahay waxa ku caawisay aqoontii hore ee aan Caalamka la lahaa, dhammaanba dadkii aan la kulmayna waxanu ka wada Hadalnay sidii ay Somaliland horumarkeedda uga qayb qaadan lahaayeen, isla-markaana aanu ictiraafkeeda uga dhaadhicin lahayn.”

Wasiirka Cusub ee Haatan la wareegay Xilka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Md Sacad Cali Shire oo isaguna Halkaas ka Hadlay, ayaa ugu horrayn mahadnaq ballaadhan u jeediyey wasiirka uu xilka kala wareegay, waxana uu yidhi, “aad iyo aad baan ugu mahad celinayaa wasiirkii iga horreeyey oo aan hubo inuu shaqo badan kasoo qabtay Wasaaradda, Shaqada uu qabtayna kuma koobna intii uu xilka hayey oo qudha, balse waxa uu kamid yahay inuu kamid ahaa shakhsiyaadkii naftooda u huray Somaliland xilligii halganka iyo intii ka dambaysayba.”

Wasiir Sacad ayaa farriin dhinaca wakhtiga shaqada la xidhiidha u diray Shaqaalaha wasaaradda uu hoggaamin doono, waxana uu tilmaamay Baaxadda Wasaarada darteed inay suurtogal tahay in wakhti ka badan midka shaqaalaha Dawladdu shaqeeyaan ay Sii shaqayn karaan,

“shaqaalaha wasaaradda waxan halkan u ballan qaadayaa inaynu noqon doonno qaar wada shaqeeya, is dhegaysta, sharciga raaca, isla-markaana shaqo iyo dedaal badan la yimaadda, shaqada wasaaradda taallaana kuma filna oo kaliya in la shaqeeyo 7:00-2:00PM, waxana dhici karta inaynu maalmo badan soo noqono Habeenkii oo gelinka dambe shaqayno, arrintaana inaad diyaar u tihiin baan rajaynayaa.” Ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

Ugu dambayntii waxa xilkii si rasmi ah ula kala wareegay  labada wasiir, waxana ay isku maca salaameeyeen kal-furnaan iyo walaaltinimo wada-shaqayn weheliso, iyadoo shaqaalaha wasaaradduna Halkaas ay shahaado-sharaf ku guddoon siiyeen Wasiirkii hore ee Wasaaradda.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories