HomeWasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Oo Sheegay inay Qabteen Gacan ku dhiigle dilay...

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Oo Sheegay inay Qabteen Gacan ku dhiigle dilay Taliyihii Xaaji Saalax

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLPOST) wasiirka wasaarada arimaha gudaha somaliland Cali Maxamed Waran Cade ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen gacan ku dhiiglihii dilay taliyihii ciidanka Xaaji Saalax.

Cali-1

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxa kale oo uu ka war bixiyey  hawl galo nabadayn ah oo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolada bariga iyo hawdka magaalada Hargeysa kuwas oo uu wasiirku sheegay  inay dhamaantood ku soo dhameeyeen si nabad galyo ah.

Ugu horayn wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen gacan ku dhiiglihii dilay taliyihii ciidanka Police-ka Xaaji Saalx, waxaanu mahad naq balaadhan u jeediyey dhinacyo door ah oo kala

qayb galay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan ku dhiiglahaas waxaanu yidhi ““waxaan jecelahay inaan dadweynaha ugu bushaareeyo in gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglihii dilay taliyihii Xaaji Saalax  taas oo uu imika ku jiro gacanta dawlada, arintaas oo ah mid aad u qiimo badan aniga oo u mahad naqaya dhamaanba dadkii nagala shaqeeyey sidii aanu gacanta ugu dhigi lahayn gacan ku dhiiglahaas oo dilay sarkaal ciidanka Police-ka ah oo madax ka ahaa Police-ka Laan Mulaaxo ee Xaaji Saalax, waxaanan u mahad naqayaa salaadiintii qiimaha lahayd ee gacanta ka gaysatay in la soo qabto gacan ku dhiiglahaas, waxa kale oo aan u mahad naqayaa cuqaasha, ciidanka  Police-ka, bulshada deegaanka oo gacan ka gaystay, dawlada Ethiopia oo gacan balaadhan na siisay, waxa kale oo aan u mahad naqayaa reerkii uu ka soo jeeday marxuunka la dilay oo naga aqbalay inay ku kalsoonaadaan dawlada oo aanay haba yaraatee wax dhaq dhaqaaq oo aargoosi ah  samaynin, maantana aan u sheegayo in gacan ku dhiiglihii gacanta lagu hayo.” Ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade.

Sidoo kale wasiirka arimaha guduhu waxa uu ka war bixiyey  hawl galo nabadayn ah oo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolada bariga ee dalka iyo hawdka magaalada Hargeysa waxaanu yidhi “Hawl galadii aanu ku jirtay wasaarada arimaha gudaha iyo wasaarado kale oo na  wehelinayey waxaanu ku guulaysanay  in shaqaaqooyinkii ka dhacay dhinaca bariga iyo hawdka dalka inay si wanagsan u dhamadeen oo ay dhamaantoodba meel fiican  oo nabad galyo aanu gaadhsiinay haday tahay kuwii bariga ee ka kala dhacay Ceeldhaab, Oog iyo Adhi Cadeeyo.” Ayuu yidhi wasiir Cali Waran Cade

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories