HomeWasiirka Warshadaha Somaliland oo ka Hadlay Qorsheyaasha Wasaaradiisa

Wasiirka Warshadaha Somaliland oo ka Hadlay Qorsheyaasha Wasaaradiisa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEYSA (SLpost)-Wasiirka wasaaradda Warshadaha Somaliland Mudane Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timo-cad) ayaa beeniyay warar sheegayay inuu iska casilayo xilka Wasiirnimo ee uu ka hayo xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Wasiir Abiib Diiriye waxa uu sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay tibaaxo sheegayay in khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo madaxweynaha Somaliland, waxaanu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa magaaladda Hargeysa.
“Arrintaas imika ayaa igu maqaalo ah wax allaale iyo wax ka jiraanna ma jiro, madaxweynuhuna waa Madaxweynahaygii wax khilaaf iyo dhibaato ah oo na soo kala dhex galayna ma jirto,”ayuu ku hal-celiyay Wasiirka Warshadaha oo wax laga weydiiyay jiritaanka warar sheegayay inuu is casilayo.

Abiib Tima-cad

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas ku daray “Madaxweynaha waanu isku wanaagsan nahay dhawr jeer ayuu wax ii yahay, mar waa gudoomiyahaygii SNM-tii oo toban sanadood ayaanu wada joognay, marna waa madaxweynahaygii xiligan markaa wax khilaaf ah oo na soo kala dhex galay ma jirro, waxaanu ku wada shaqaynaa kal-gacal iyo wanaag.”

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay Wasaaradiisa cusub ee uu madaxda ka yahay waxaanu yidhi “Wasaaradda Warshaduhu waa wasaarad cusub, hal sanno uun bay jirtay waa tii wasaaradda Ganacsigu ku hoos jiri jirtay. Anniga iyo Agaasimaha guud-ba waanu ku cusub nahay, waxase aanu isku daynay inaanu dhaqaajino oo iib geyno. Hawl farro badan baa nagaga baxday, waxaanu qabanay shir aqoon is weydaarsi ah oo balaadhan. Afar cisho oo shirkaasi socday waxaanu u yeedhnay dhammaan Hay’adihii caalamiga ahaa kuwo qarramadda midoobay iyo NGO-yada caalamiga ahba.”

“Waxaad moodaa in wasaaradda loo soo jeestay oo waxa ka mid ah shirkad Chinese ah waxa noo socda wada hadal waxaanay wadaa mashaariic farro badan Khamiista waxa dalka imanaya wefti ka kooban toban xubnood waxay doonayaan oo u socdaan inay dalka warshado ka furraan, waxaana ka mid ah warshadaha baabuurta xidh-xidha iyo kuwa baaskiiladaha,”ayuu yidhi Wasiir Abiib Diiriye.
Wasiirka Warshaduhu waxa kale oo uu tilmaamay inay jirraan shirkad Ustareeliya ka socotay oo iyana doonaysa inay milixda farsamayso oo ay wada wadaan qorshe balaadhan oo arrintaasi ku saabsan.

Somalilandpost.net

Hargaysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories