HomeWasiirka Warshadaha oo Ka Warbixiyey Shir Uu Kala Qaybgalay Wasiirro Ka Socda...

Wasiirka Warshadaha oo Ka Warbixiyey Shir Uu Kala Qaybgalay Wasiirro Ka Socda Soomaaliya.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

Hargeysa(SLpost) – Wasiirka warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse, ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay sababta uu uga qayb galay shirka maalgashiga Somalia oo lagu qabtay dalka Holand. Shirkaasi waxaa dhaliilay saxaafadda Somaliland iyo mucaaradka kadib markii la arkay wasiir Shucayb oo dhex fadhiya wasiirka warshadaha Puntland iyo wasiirka warshadaha Somalia.

 

Wasiir Shucayb ayaa sheegay in si gaar ah loogu casuumay shirkaasi islamarkaana uu tagay isagoo matalaya qaranka Somaliland “ Afartii bisha ayaan ka soo baxay wadankeennii, anigoo soo maray itoobiya. Waxyaabaha aan u imid maxay ahaayeen?  Waxaan u imid shaqo dawladeed. Shakhsi ahaan uma iman ee anigoo qaranka Somaliland metelaya oo waxa dalkaygu u baahan yahay iibinaya oo fursadaha dalkayga soo bandhigaya, waxyaabaha la qaybsanayana inaan qaybtayda helo doonaya ayaan halkan wadamada Yurub u imid,” ayuu yidhi Wasiirku.

 

Wasiirka ayaa ka sheekeeyay waraaqo ay is dhaafsadeen wasaaradda khaarajiga Somaliland iyo ururka shirkaasi qabanqaabiyay ee Spark “ Qolo la yidhaahdo Spark oo ka diwaangashan wadanka Netherland oo qaabilsan awoodsiinta iyo maalgalinta Qurbejoogta ayaa nasoo casuumay. Iyadoo aanu caalamka qaarkood fahmin waxaynu kala nahay Somalia iyo Somaliland, waxaa xusid mudan inay markii hore nagu soo casuumeen warqad ay ku qoran tahay wasiirada Soomaalida(Somali Ministers). Warqaddaasi markay xafiiskayga soo gaadhay waxaan u gudbiyay wasiirka khaarajiga. Maxamed Biixi markii aan qoraalka u geeyay waxaanu isla garanay inaanan shirka ka qayb galin.

 

Wasiirka khaarajigu warqad buu u qoray uu ku leeyahay shirkaa kama soo qayb galayno haddaydaan nagu soo casuumin Somaliland oo madax banaan. Intaas waxaa ka dambeeyay in qoladii Spark ay soo diraan warqad kale oo ay ku qoran tahay “Republic of Somaliland minister of foreign affairs” waxay markaa ka garaabeen rabitaanka shacabka Somaliland. Intaas kadib ayuu wasiirka arrimaha dibada Somaliland u diray warqad uu leeyahay haddii aad ogolaateen inaad Somaliland gaar u soo casuuntaan, waxaan ogolaaday in wasiirka warshadaha Somaliland yimaado shirkaas, sidaas baanan horta ku imid,” ayuu yidhi wasiirka warshadaha Somaliland.”

 

Wasiirka ayaa sheegay inuu shirkaasi ku bandhigay fursadaha ganacsi ee Somaliland iyo sidoo kale baahiyaha Somaliland. Waxa uu sheegay in Somaliland waxyaabaha ay u baahan tahay in wax lagala qabto ay ka mid yihiin Laydhka oo qaali ah  iyo sidoo kale ammaanka.

 

Shirka Netherland ka dhacay ayaa la iskugu keenay Wasiirada ganacsiga iyo warshadaha Somaliland, Somalia iyo Puntland, waxaa kale oo ka qayb galay Qurbejoogta Soomaalida, ruggaha ganacsiga Soomaalida iyo daneeyeyaal kale. Waxaana kulankaasi lagu faaqidayay fursadaha dhulka Soomaalida ka bannaan ee ay maalgashan karaan qurbejoogta Soomaalida ee wadamada Yurub joogta.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories