HomeWASIIRKA WARFAAFINTA SOMALILAND OO SHEEGAY IN RAALIGALINYARI CUDURDAAR U NOQONAYN TV GA...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOMALILAND OO SHEEGAY IN RAALIGALINYARI CUDURDAAR U NOQONAYN TV GA UNIVERSAL ARINTOODANA AY MAXKAMAD U GUDBIYEEN OO LAGA WARSUGAYO

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Djibouti (SLPOST) Wasiirka warfaafinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in aanu arag meel ay raali-galin ku bixiyeen madaxda sare ee telefishanka Universal ee Somaliland hadii ay bixiyaana aanay dambi-dhaaf u noqonayn dambigii ay ka galeen reer Somaliland.

45gg

Mr Cukuse ayaa intaa ku daray in aflagaado ay isaga iyo madaxwayne Axmed Siilaanyo kula gal-gasheen Universal aanay u sahli doonin in xukuumadu xayiraadii ay ka saartay dalka in laga qaado, kaas oo tilmaamay in dacwada kiiskooda oo ay maxkamada u gudbiyeen kana war-sugayaan go’aanka kama-danbaysta ah ee ay ka soo saarto.

C/laahi Cukuse waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay Haatuf khadka telefoonka ugu waramayey isaga oo xaalad-caafimaad ugu sugan dalka Djibouti, ayaa sidoo kale ku dooday in danbiyada ay qaranka ka galeen sida uu sheegay Universal Tv inuu ka mid yahay uun wararkii ka dhanka ahaa isaga ee uu Telefishankaasi ka baahiyey shilkii uu ku dhaawacmay.

Ugu horayna isaga oo xaaladiisa caafimaad ka waramaya, waxa uu si kooban u yidhi “Alxamdulilaah caafimaadkaygu aad ayuu u wanaagsan yahay, waanan ka soo raynayaa maalinba maalinta ka danbaysa, Insha Allaah marka uu dhakhtarku isoo fasaxo ayaanan dalka ku soo noqon doonaa sida uu qorshuhu yahay”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya waxa uu kala socdo raali-galinta madaxda Universal ee Hargeysa ay bixiyeen ayaa waxa uu yidhi “Ma ogi meel ay raali-galin ku bixiyeen balse arrinta Uiversal waa arrin aanu dariiqii sharciyada marinay oo dacwadooda waxa aanu u gubinay Xeer Ilaalinta, wixii sharcigu gooyo ayuun baanay noqonaysaa oo taasina wakhtigeedii lama gaadhin”.

Wasiirka warfaafinta Somaliland C/laahi Cukuse isaga ka hadlaya wararka ka dhanka ah qaranka ee ay mudooyinkii u danbeeyey baahinaysay Universal, waxa uu yidhi “Ma jiro wax aan anigu si gaar ah uga tirsanayo Universal TV, dambiga ay gashayna maaha mid ay aniga si gaar ah iiga galeen ee waa dambi ay qaranka ka galeen, Arrintaasi maxkamada ayaanu u gudbinay oo maxkamadiina arrinteedii may dhamaysanin”.

Mr Cukuse isaga oo ka hadlaya sida gaarka ah ee ay u bartilmaameedsadeen maalintii uu shilka galay, waxa hadalkiisa ka mid ahaa “Sida gaarka ah ee ay ii aflagaadeeyeen waxa ay ka mid noqonaysaa uun fadeexada iyo aflagaadada ay madaxda qaranka u gaysanayaan, oo sida aynu ognahay madaxwaynaheenii qaranka iyo calankii qaranka ayey labadaba maageen, markaa maadaama oo labadii astaamood ee qaranku lahaa ay aflagaadaysay Universal TV, aniga cayday in caayeen waxyar ayey ka noqonaysaa dambiga ay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ka galeen”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu si cadho leh u yidhi “Telefishankaasi Muqdisho ayaa laga leeyahay oo aad ayaanu uga xunahay inaanay xukuumadda Muqdisho-na talaabo ka qaadin ilaa xiligaas sababta oo ah anagu Somaliland ahaan aad ayaanu u ixtiraamaynaa qodobadii wada-hadaladii u socday labada dhinac iyo in warbaahinta Hargeysa ay aflagaado cad u dirto madaxda Xamar”.

Wasiirka warfaafinta C/laahi Cukuse mar aanu waydiinay waxa uu kala socdo in agaasimaha Universal ee Somaliland Maxamed Caabi inuu raaligalin bixiyey, isla markaana uu sheegay in madaxda ka tirsan wasaaradda warfaafintu ay arintaasi ka wadahadleen ayuu Wasiir Cukuse sheegay in aanu ka warhayn meel Masuuliyiinta Universal ay raaligalin ku bixiyeen hadii ay bixiyaana aanay dambi-dhaaf u noqonayn dambigii ay ka galeen Somaliland. Waxaanu ku dooday Wasiir Cukuse ku dooday inaanu waxba ka ogayn cida ka danbaysay in warbaahinta dawladu baahiso raaligalintaasi la sheegay.

Xigasho-Wargeyska Haatuf

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories