HomeWasiirka Warfaafinta oo Shaqada ka Joojiyey Maareeyihii Telefishanka Qaranka iyo halka uu...

Wasiirka Warfaafinta oo Shaqada ka Joojiyey Maareeyihii Telefishanka Qaranka iyo halka uu salka ku hayo Khilaaf soo Jiidamatayey oo u dhexeeyey labada masuul

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta ee Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa maanta Shaqada ka joojiyey Mareeyaha Telefeshinka Qaranka Somaliland Md. Khadar Cali Gaas, ka dib markii isla maanta ismaan-dhaaf Afka ahi ku dhexmaray Gudaha Xarunta Wasaaradda.

Wasiir Cukuse ayaa la sheegay inuu isla markiiba Ciidanka ilaalada Xarunta Wasaaradda ku Amray inay Maareeyaha oo wakhtigaas ku sugnaa Xafiiskiisa ay debedda uga saaraan isla markaana aanu soo gali Karin Xayn-daabka Wasaaradda Warfaafinta.

Tallaabadan Wasiirku shaqada kaga joojiyey Maareeyaha iyo Ismaan-dhaafka Saaka Dhex maray ayaa ka dambaysay ka dib markii laysku khilaafay Guddi loo saaray in ay dib u eegis iyo Qiimayn ku sameeyan tirada shaqaalaha iyo mushaharaadka ay qaatan Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, gaar ahaan Telefishanka Qaranka oo la sheegay in mushaharaadkoodu aad u badan yahay.

cukuse_Khadar Cali GaasIlo-wareedyo u dhuun-daloola Wasaaradda Warfaafinta, ayaa shakadda SomalilandPost u xaqiijiyey in sababta Wasiirku guddida u magacaabay ka dambaysay ka dib markii shaqaalaha Wasaaradda Qaarkood oo inta badan Hawsha ugu Culusi ku dhacdo ay cabasho ugu gudbiyeen wasiirka  inaanay isu qalmin xaddiga mushaharkooda iyo hawsha ay qabtaan, waxaana la sheegay inuu wasiirku kaga jawaab celiyey inaanay caddaalad ahayn in shaqaalaha Wasaaradda gaar ahaan Telefishanku ay qaarkoodna qaataan 120 Dollar, halka kuwo kalena ka qaataan 1,000 Dollar kuwaas oo u badan Wariyeyaasha Telefishanka ee Waddamada Dibadda.

Mareeyaha Telefeshinka Qaranka ee Wasiirka Cukuse Shaqada ka joojiyey Md Khadar Cali Gaas, ayaa ku magacaaban digreeto Madaxweyne oo la mid ah ta uu wasiirku ku magacaaban yahay, waxaanu Maamul ahaan si dadban u hoostagaa Madaxtooyada.

Maaha markii u horreysay ee Khilaaf noocan ahi ka dhex curto madaxda Wasaaradda Warfaafinta, haseyeeshee waxa ay ahayd Bishii August ee sannadkii 2012 markii  khilaaf xooggani ka dhex-dillaacay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale oo is-maandhaaf dhexmaray Maareeyihii hore ee Telefishanka imikana ah afhayeenka madaxweynaha Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Guddoomiyaha Wargeyska Dawladda ee DAWAN Maxamed Mire Cismaan (Sayid), taas oo sababtay in wasiirku xilka ka qaado labadaas masuul, haseyeeshee xil-ka-qaadistaasi waxa ay sahayatay isla markaana shaqada lagaga eryey Wasiir Boobe, ka dib markii uu ka dhego-adaygay Madaxtooyada oo ka dalbatay inuu shaqooyinkooda ku celiyo labadaas Masuul oo awood iyo taageero ka haystay Madaxtooyada.

Wasiirka Cukuse oo Madaxweyne Siilaanyo Xilka Wasaaraddaas u magacaabay bishii June ee Sannadkan 2013, ayaa noqonaya Wasiirkii Shanaad ee gadheen ka noqda Wasaaraddaas muddada saddexda sanno iyo Badhka ah ee Xukuumadda Kulmiye talada dalka haysay, waxaana uga horreeyey Afar Wasiir oo kala ah Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) oo noqday Wasiirkii u horreyey ee Xukuumadda Kulmiye ee la wareegay Wasaaradda Warfaafinta, Axmed Cabdi Xaabsade, Boobe Yuusuf Ducaale iyo Wasiirka uu xilka kala wareegay ee Abiib Diiriye Nuur oo imika ah Wasiirka Warshadaha.

Si kastaba ha ahaatee, lama garan karo halka uu ku dambayn doono khilaafka ka dhex curtay Wasiir Cukuse iyo Maareeyaha Telefishanka Qaran Khadar Cali Gaas oo labadoodu Digreeto isku mid ah ku magacaaban, haseyeeshee marka la eego farqiga u dhexeeya labada dhacdo iyo Miisaanka ay labada Wasiir ku kala leeyihiin kalsoonida madaxtooyada, waxa ay tallaabadani u muuqataa mid ka duwan oo la jaan-qaadaysa siyaasad Madaxtooyadu xal ugu raadinayso khilaafyada soo noq-noqday ee ragaadiyey Wasaaradda Warfaafinta.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories