HomeWasiirka Warfaafinta oo Shahaadooyin iyo Abaalmarino Gudoonsiiyey Shaqaale ka Tirsan Wasaarada

Wasiirka Warfaafinta oo Shahaadooyin iyo Abaalmarino Gudoonsiiyey Shaqaale ka Tirsan Wasaarada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...


 Hargeysa(SLpost) -Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe ayaa maanta shahaadooyin iyo abaal marino gudoonsiiyey shaqaale ka tirsan wasaarada warfaafinta kuwaas  oo dhamaystay tababaro kale duwan iyo shaqaale muujiyey shaqo wanaag.

blank

 

Munaasibada lagu gudoonsiinayey shaqaaalahan abaal marinada iyo shahaada sharafta oo  maanta ka dhacday Xarunta Wasaarada Warfaafinta ayaa waxa goob joog ka ahaa masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta  Agaasime Waaxeedyada,Madax qaybeedyada iyo Shaqaalaha Wasaaradaasi.

Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta Cabdirashiid Jibriil Yuusuf oo ka hadlay munaasibadan ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabka lagu soo xulay shaqaalaha la gudoonsiinayey shahaadooyinka iyo abaal marinada, waxaanu tilmaamay in xubnaha shaqaalaha ah ee shahaadooyinka mutaystay ay ka kala yimadeen waaxaha wasaarada warfaafinta iyo qaybaha ku yaala gobolada dalka iyo dibada, isla markaana ay  kala yihiin laba qaybood oo dhamaystay tababar u kala soconayey mudo afar bilood ah iyo mudo laba todobaad ah iyo qaybo kale oo lagu maamuusayey shaqo wanaaga ay muujiyeen.

Wasiirka warfaafinta iyo wacyi gelinta Cabdiraxmaan Yuusuf  Ducaale (Boobe) oo isaguna ka  hadlay munaasibadan ayaa sheegay  in qorshaha abaal marinta loogu tala galay in wasaaradu  ku dhaqanto mustaqbalka dhaw isla markaana la abaal marin doono qof kasta oo ka tirsan shaqaalaha wasaarada isla markaana wax wanaagsan qabta.

Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in lala socon doono qofka waxa xun ku  kacayaa taasina ay fursad u tahay in la ogaado gabdhaha iyo wiilasha shaqo wanaaga muujiyey, waxaanu wasiirku balan qaaday in lixdii biloodba mar la samayn doono qiimaynta shaqaalaha.

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay agaasimayaasha idaacada Radio Hargeysa iyo telefishanka qaranka kuwaas oo sheegay inay soo dhawaynayaan qiimaynta lagu sameeyey shaqaalaha wasaarada warfaafinta.

Gabagabadii waxa uu wasiirka warfaafinta abaal marino gudoonsiiyey shaqaalihii dhamaystay tababarka iyo kuwii muujiyey shaqo wanaaga.

SOMALILAND POST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories