HomeWasiirka Warfaafinta oo loo Qaaday Dalka Jabuuti, Kana Hadlay Xaaladdiisa Caafimaad

Wasiirka Warfaafinta oo loo Qaaday Dalka Jabuuti, Kana Hadlay Xaaladdiisa Caafimaad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay inay xaaladiisa Caafimaad aad u wanaagsan tahay, isagoo tilmaamay in  shilka ku dhacay uu u arko mid ku yimi isagaoo hawlo qaran gudanaya.

DHAAWACA WASIIR CUKUSEWasiirka oo dhaawac ka soo gaadhay Shilkii khamiistii ay isaga iyo wasiirka caafimaadku ku dhaawacmeen, waxa uu sidaas ku sheegay mar uu maanta u waramayey warbaahinta.

Ugu horreyna isaga oo xaaladdiisa ka warramaya waxa uu yidhi;  “Xaaladeyda Caafimaad aad iyo aad ayey u wanaagsan tahay,ILAAHAY ayaan ku mahadinayaa waxaan ka jabay gacanta midigta oo ah cudduda, waxaan ahayn cad go’a yar waan wanaagsanay, laakin waxaan ahay ninkaa sare fadhiya ee soconaya meel kale oo aan wax ka qabo ma jirto, dadkuna waxay Telefoonka igu soo weydiinayaan ilkuhu miyey kaa daateen? Maya ilka iga daatay ma jirro, Dhabarka miyaad wax ka qabtaa? Maya laf-dhabarteyda iyo dhabarku-ba way fiican yihiin oo waan ka soconayaa, Ma socon kareysa? Haa waan socon karayaa, oo waanigan cagahayga isku taagaya ee ku soconaya,” sidaa ayuu yidhi wasiir Cukuse.

Mar la weydiiyey Cabdilaahi Cukuse waxa uu u mahad-naqay shacabka reer Somaliland ee gudo iyo dibad-ba sida ay uga xumaadeen shilkii aan galay, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan u mahad-naqayaa Xukuumadda Somaliland iyo dhamaan shacabka reer Somaliland ee gudo iyo dibad-ba, ee sida weyn u muujiyey dareenka ay ka qabaan,Dabcan annaga oo hawl-qaran ku jirna ayuu shilku shalay (Khamiis)aniguna waxaan u arkayey uun in wax weyn nalagaga furtay, haddaanu Weftiga nahay, oo intan yari (Dhaawac) noqonayso wax ILAAHAY loogu samrro, waanan ugu xamdi-raqaynaa ILAAHAY in balaayo weyn oo innagu soo socon lahayd ay intan yari inaga soo gaadhay, oo nafteena maalin kale la inoo dhigtay oo naf-waliba way baxaysa, laakin maanta may ahayn ee dib ayuu ILAAHAY inoogu dhigay Al-xamdulilaahi rabil Caalamiin”.

CukuseWaxa kale oo la weydiiyey Wasiir Cabdilaahi Cukuse shilku goorta uu dhacay iyo halka uu ka dhacay, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Shilku waxa uu ka dhacay Geel-lookar, waxa uu gaadhigu ila dhacay 8:15-miridh, oo Baabuurkayga iyo Baabuurka Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa is-weydaaranayey oo labada baabuur ayaa isku dhacay”.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Cukuse, ayaa shalay loo qaaday dalka Jabuuti si halkaas baadhis caafimaad oo dhammaystiran iyo dawaynba loogu sameeyo.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories