HomeWasiirka Warfaafinta oo ka hadlay Cashuurta lagu soo rogay Saxaafadda Madaxa-bannaan

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay Cashuurta lagu soo rogay Saxaafadda Madaxa-bannaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa Warbaahinta dalka ku boorriyey inay raacaan xeerarka dalka u yaalla isla markaana iska bixiyaan cashuuraha ku waajibay ganacsigooda.

Sidaasna waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ay faafisay maanta Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, oo uu ku saxeexnaa Wasiirka Warfaafintu, waxaanu u qornaa sidan:-

Wasiir Guri barwaaqo“Waxa maalmahan aad loo hadal hayey wax ka bedelka tacriifadda Warbaahinta ku waajibtay oo Saxaafadda iyo siyaasiyiinta qaarkood si gurracan u sifeeyeen, iyagoo bulshada uga dhigay culays Xukuumaddu saarayso Warbaahinta.

Haddaba, iyada oo Wasaaradda Warfaafintu ka duulaysa muhiimadda ay qaranka u leedahay saxaafaddu waxay u caddeynaysaa bulshada Somaliland in aanay haba yaratee jirin culays ay xukuumadu saarayso hay’daha Warbaahinta, balse ay waajib tahay in Warbaahintu noqoto cashuur bixiye rasmiya oo la mid ah ganacsatada iyo muwaadiniinta kala duwan ee cashuur bixiyayaasha ah.

Waxaynu og nahay in warbaahintu ka mid tahay hay’daha ganacsi iyo wax soosaar ee dalka, sidaa darteed, waxa la gaadhay xilligii ay u hagar bixi lahayd bixinta cashuuraha ku waajibay, maadaama oo 27kii sanno ee la soo dhaafay aanay warbaahintu wax cashuura bixin.

Warbaahinta kala duwan ee dalka, waxaa looga baahan yahay inay aamminsanaato in bixinta cashuuruhu yihiin waajib dastuuri ah oo saaran muwaadin kasta derajo kasta oo uu leeyahay iyo shaqo kasta oo uu hayaba, waxa habboon in aanay Saxaafadda dalku iska dhigin qaar ka hooseeya jeeb ahaan ganacstada yar-yar iyo wadhatada ka xoogsata suuqyada magaalooyinka dalka oo si hagar la’aan ah qarankooda ugu hura cashuuraha ku waajibay, iyadoo qaarkood ay masaariiftooda kala soo baxaan ganacsi aad uga yar lacagta ay Warbaahintu ka qaado dadka ay u baahinayaan wararka, barnaamijyada iyo xayeysiiska hal mar baxaya.

Waxa, haddaba, la gaadhay xilligii ay Saxaafadda dalku dareemi lahayd in cashuuruhu yihiin mishiinka lagu wado adeegyada bulshada iyo sugidda xuduudaha dalka, isla markaana ay hormuud ka noqdaan u hagar-baxa cashuuraha ku waajibay ganacsigooda.

Si kastaba ha ahaatee, tacriifada cashuureed ee Warbaahinta ku waajibtay ee ku jirta miisaaniyad sannadeedka qaranka 2019ka, waxay noqonaysaa lacagta diwaangelinta (Registration Fee) ee Hay’adaha Warbaahinta cusub ee dalka laga furayo oo hal mar laga qaadi doono iyo cashuurta liisanka sannadlaha ah ee ganacsiga.

Sidaa awgeed, waxaan mulkiilayaasha warbaahinta ku boorrinayaa in ay noqdaan cashuur bixiye wanaagsan oo qaranka wax ku leh, una hoggaansan nidaamka iyo qawaaniinta dalka. Wasiir Guri barwaaqo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories