HomeWasiirka Warfaafinta Oo Guddoomiye Ku-xigeen Cusub U Magacaabay Wargeyska Dawladda Ee DAWAN

Wasiirka Warfaafinta Oo Guddoomiye Ku-xigeen Cusub U Magacaabay Wargeyska Dawladda Ee DAWAN

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Saleebaan Cali Yuusuf (Koore), ayaa Maanta Guddoomiye ku-xigeen cusub u Magacaabay Wargeyska Dawladda ee DAWAN.

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland, ayaa Guddoomiye ku-xigeenka Wargeyska DAWAN oo ka mid ah Laamaha Warbaahineed ee hoos taga Wasaaradda Warfaafinta u Magacaabay Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale)  oo ka mid ahaa Hawl-wadeennada Warbaahinta Dawladda.

Wareegto uu Sabtida Maanta soo saaray Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore isla-markaana soo gaadhay Warbaahinta, ayaa u qornayd sidan:

“Iyadoo laga duulayo gudashada, habsami u socodka iyo dardar-gelinta hawlaha Masuuliyadaha Dastuuriga ah ee ay leedahay Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta, isla-markaana raacaya sunnaha Dawladnimada ee ah  in hadba Ciddii loo arko inay xilkan si wanaagsan u gudan karto loo igmado. Ayaa Maanta oo ay Taariikhdu tahay 23/07/2022 u Magacaabay Agaasime ku-xigeenka Wargeyska Dawan inuu noqdo Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale). Sidoo kale waxa Maanta oo ay Taariikhdu tahay 23/07/2022 aan xilka na nasiyey Daahir Maxamuud Xaddi, Agaasime ku-xigeenkii hore ee Wargeyska Dawan, anigoo uga Mahad-naqaya shaqadii wanaagsanayd ee uu ka soo qabtay Wargeyska muddadii uu joogay. Waxa kale oo aan farayaa Masuulka loo Magacaabay inuu sida ugu dhaqsaha badan ula wareego Masuuliyadda loo igmaday,” Sidaas ayuu Wasiirku ku yidhi wareegtada.

Suxufi Saleebaan Cabdi Cali ayaa 15-kii sanadood ee u dambeeyay ka mid ahaa Xubnaha ugu firfircoon bahda Saxaafadda Somaliland.

blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories