HomeWasiirka Warfaafinta Furay Oo Buug Ka Hadlaya Tayaynta Waddooyinka Somaliland

Wasiirka Warfaafinta Furay Oo Buug Ka Hadlaya Tayaynta Waddooyinka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka Wasaarada waraafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa ka qaybgalay kulan lagu  soo bandhigay Buug lagu naaqishayo tayaynta Wadooyinka Somaliland, waxaana barnaamijkan qayb ka ah hay’adda Wadooyinka Somaliland.CUKUSE

Kulan oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa waxa ka soo qaybgalay Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Maareeye ku xigeenka hay’adda Wadooyinka, masuuliyiin ka socday hay’adda ILO iyo khabiiro aqoon u leh dhismaha Wadooyinka.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumaddu ay Wadooyin burbursanaa ay dib dhis ku samaysay “Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ay ku faani karto taariikhadana u galay, waxa ka mid ah waxqabadka hay’adda Wadooyinka, waxa ka mid ah Waddooyinka kuwa aan jiri jirin ee ay iyaddu samaysay, waxa ka mid ah Waddooyinka dawladihii kacaan ahaa, dawlado shacab ahaa iyo dawlado Xukuumaddan ka horeeyay aanay ku dhici karayn ee ay iyaddu bilawday oo socda ee Injineerkii fulinayay uu halkan fadhiyo oo Ceerigaabo ka mid tahay. Waxa ka mid ah Waddooyinka isku xidhaya Boorama iyo Hargeysa oo aad ogtihiin Boorama ilaa Dila ilaa Ingiriiskii in aanay Wadadaasi ahayd Wado jirta, maantana aad ogtihiin in Wadadaasi wakhtiga lagu tago iyo rafaadka loo mari jiray, waxaan ku amaanaynaa siday Wadooyinka u dhiirigeliyaan ee hay’adda Wadooyinku, Xukuumadda iyo Shacabku inta badan iska kaashadaan ee shacabkana lagu dhiirigeliyo waxqabsiga, oo lagu dhiirigeliyo siday wax u qabsan lahaayeeyn oo wax loogu daro oo wixii ay qabsadaan kolba wax u dhigma ama wax loo go’yay loogu daro , taasina ay suurto geliso in Wadooyin dhaadheer maanta la maro oo ay sidaas ku samaysmeen”. Ayuu yidhi Wasiir Cukuse

Maareeye ku xigeenka hay’adda Wadooyinka Maxamuud Daahir Jaamac oo kulankaasi ka hadlay, waxa uu yidhi “Waxa la ogaaday horumarka dalku inuu yahay haddii Wado la helo horumar baa la gaadhayaa, maanta meel kasta ilaa Ceerigaabo ilaa dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka oo dhan horumar baa ka socda, waana hadafkii Madaxweynaheena Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu hormoodku inoogu ahaa. INSHA ALLAH waxaanu ku rajo weynahay in aqoon isweydaarsigan inay sidii loogu tallo galay u qabso , cid alaale cidii qorshahan ka faa’idaysanaysana inay sidii loogu tallo galay uga faa’idaysato, imika sidii la inoo sheegeen qolihii waday waa daraaf in dhamaytirkiisana aynu dhamaystirno, xadhigana maalin ka wada jarno.” Ayuu yidhi Maareeye ku xigeenka Wadooyinka hay’adda Somaliland.

Sidoo kale Yasiin Cali Aadan oo ah Sarkaal ka tirsan hay’adda Wadooyinka ayaa sheegay in Somaliland ay yeelatay nimadaa cusub oo lagu horumarinayo Wadooyinka, waxaanu yidhi “Waxa soo saaray ama hawshan hirgeliyay hay’adda Wadooyinka Somaliland, waxa gacan ka siisay hay’adda ILO, muhiimada ugu weyn ama nuxurka Dhukumantiyadani ka hadlayaan waa qaabkii loo raaci lahaa Wadooyinka oo Somaliland hore umayn lahaan jirin waligeedna may yeelan, laakiin maanta waxay leedahay wax kasta oo Wado ku saabsan. Hadday tahay Bariijkii iyo biyamareenadii biyuhu soo mari lahaayeen iyo hadday tahay calaamadihii Wadooyinka.”

Dhinaca kale Eng. Cabdilaahi Cabdisalaan Sheekh Cali Jawhar iyo Maxamed Cabdiraxiim oo ah mid ah masuuliyiinta hay’adda ILO ayaa ka waramay muhiimada ay dhismaha Wadooyinku u leeyihiin dalka.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories