HomeWasiirka Qoyska Iyo Arimaha Bulshada Oo Ka Jawaab Celiyey Hadal Wasiir Ku...

Wasiirka Qoyska Iyo Arimaha Bulshada Oo Ka Jawaab Celiyey Hadal Wasiir Ku Xigeenka Amnigu Wax Kaga Sheegay Reer Awdal

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Burco (SLpost)- Wasiirka Wasaarada qoyska iyo arimaha bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Garraad, ayaa ka hal celiyay hadal uu sheegay inuu dhawaan ka soo yeedhay Wasiir ku xigeenka amniga ee Wasaarada arimaha gudaha Cabdilaahi Obokor Cismaan, kaasi oo uu ku sheegay inuu ahaa hadal aan reer Awdal qabban.

Wasiirka qoyska oo maanta ka hadlayay Magaalada Burco, ayaa sheegay in Wasiir ku xigeenka amaanka ee Wasaarada daakhiligu uu reer Awdal ku sheegay dad niyad xun oo caloosha wax ku haysta, isaga oo Wasiir Garaad sheegay in hadalkaasi ahaa mid xumaan keenaya isla-markaana reer Awdal yihiin dad si saraaxad leh u hadla.

garaadWasiir Garaad oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Wasiir ku xigeenka amniga ayaa Kalmad reer Awdal dhibsaday halkan ka yidhi, waxaan jeclahay reer Awdal maaha dad niyada wax ku haysta ee waa dad maskax furan, waa dad si saraaxadle wax u sheega, waxaan u sheegayaa cidii ku dhawaaqday gooni isu-taaga waxay ahaayen odayaashii Boorama ka yimid, Borama waa meeshii ugu horeysay ee laga dhisay dawladdii ugu horaysay ee Somaliland” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray  “Waxaan ka xumahay wasiirka oo Borama aan dhaqankeeda aqoonin inuu wax ka sheego”

Wasiirka qoyska Somaliland, waxa kale oo uu soo qaaday  “Wasiirku malaha badhasaabkii loo bedellay ayuu hadalka dhagta ugu ridayay oo uu lahaa reer Borama waa dad niyad xun oo niyada wax ku haysta.”

Dhanka kale, Madax-dhaqameedka gobolka Awdal ayaa dareen cadho ka muujiyey hadal Wasiirka Arrimaha Guduhu todobaadkan ka sheegay xarunta Golaha Wakiillada, kaas oo nuxurkiisu ku saabsanaa khilaafka Doorashada ka dhashay ee gobolka Salal ee Wasiirku sheegay in Xal laga gaadhay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories