HomeWasiirka Qorsheynta Qaranka Oo Kormeeray Mashaariic Laga Hirgeliyay Burco

Wasiirka Qorsheynta Qaranka Oo Kormeeray Mashaariic Laga Hirgeliyay Burco

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Burco, (SLpost)- Wasiirka qorsheynta qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa kormeer indha indhayn ah ku soo maray mashruuca beero iyo riigag ah oo ay hay’adda waddaniga ah ee IWAADA ka hirgalisay duleedka waqooyi ee magaaladda Burco

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta qaranka Dr. Sacad Cali Shiri iyo masuuliyiintii socdaalkiisa ku weheliyay ayaa soo indho indheeyay sida ay u socdaan mashaariicdan oo ka mid ah mashaariicda horumarineed ee waxtarka u leh bulshadda ee ha’yaddani ay ka fulisay gobolka Togdheer, waxaana Wasiirka halkaasi warbixin ku siiyay gudoomiyaha hayadda IWAADA  Sheekh Aadan Xasan Siciid.

Gudoomiyaha hayadda IWAADA  Sheekh Aadan Xasan Siciid isaga oo arrintaasi ka faahfaahinayana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “ILLAAHAY ba mahad iska leh meeshani saddex sanno ka hor waxa ay aheyd meel bilaa biyo ah oo aan wax laga cuno iyo wax laga cabo toona laheyn, ILLAAHAY xamdigii mudadaas markii aanu mashruucii u horeeyay bilownay waxaanu ka helnay riig biyood oo ILLAAHAY biya naga siiyay, dadkii nawaaxigan deganaana aad ayay u soo dhaweeyeen.”

Gudoomiyaha hayadda IWAADA  Sheekh Aadan Xasan Siciid waxa kale oo uu intaa ku daray “Biyahan meel walba waa looga soo arooraa ilaa 40 KM oo dhan walba ah, deetana mashruuci waanu balaadhinay oo maantana meel wanaagsan ayuu maraya, inaanu hore u sii marinana waanu doonaynaa waayo dhirtii waa weyneyd waanu ku beernay, waxaana ku yaalla illaa saddex kun iyo dheeraad geed oo Saytuuna, waxa kale oo ku yaalla Canbihii iyo Liintii, waxa kale oo aanu beernay balkii iyo cawskii, khudaartii kale ayaa iyaduna si joogto ah uga baxda.”

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa isaguna halkaasi  ka hadlay, waxaanu  ku bogaadiyay mashrucan waxtarka iyo qiimaha leh ee ay hayaddani fulisay, waxaanu u soo jeediyay ganacasatada iyo hayaddaha kale ee dalka ka hawl-gala inay sidan oo kale dhulkooda wax ugala soo baxaan, wasiirku isaga oo arrimahaas ka hadlaayana waxa uu yidhi “halkan intaan la beerin waxa ay ahaan jirtay meel banaan oo iska cidla ah oo qansaxaa mooyaane geedka hoose ku yar yahay oo manaafacaad badana aan laheyn, hase ahaate markii tacab la galiyay ee la dayrey ee cagaf la galiyay waad aragtaan midhaha iyo tacabka ka soo baxay dhawr baabuur oo xabxaba ayaa sanadkan ka soo baxay reer Somaliland na waxa ugu weyn ee ina wajahay waa cunto la,aanta wax wal oo aynu cunana dibada ayaynu ka keena.”

 

isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi “Laakin beertani waxa ay muujinaysaa  inaynaan uga baahnanyn wax aynu dibada ka keensano oo aynu garanay wadankeena inay wax ka soo baxayaan, aad baanay runtii ay mihiim u tahay in lagu dayan karo waana arin dhab ahaantii aad iyo aad u qiima badan, waanannu ku amaanaynaa hayaddani IWADA, hayaddaha kale iyo ganacsatada iyo cida kale ee danaynaysa inay beertoodu wax soo saarto waxa ay tusaale u tahay waxa ka soo bixi kara, waana ay ka soo bixi karaan dhab ahaantii waanaynu ka faa’iidi karaan, waana aynu kaga maarmi karnaa cuntada aynu dibada ka keensano.”

 

 

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories