HomeWasiirka Qorsheynta Qaranka oo Faahfaahin ka Bixiyey Tirakoob Madani ah oo Dalka...

Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo Faahfaahin ka Bixiyey Tirakoob Madani ah oo Dalka laga Hirgelinayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Dr Sacad Cali Shire
Dr Sacad Cali Shire

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Qorshaynta qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa Golaha Wakiiladda tafaasiil ka siiyay xeerka tiro-koobka dadweynaha reer Somaliland oo xukuumaddu doonayso inay dalka ka hirgaliso Diiwaangelin madani.

Xildhibaanadda golaha Wakiilada ayaa su’aalo ka waydiiyey wasiirka Qorshaynta qaabka ay doonayaan inay u bilaabaan iyo cidda ka caawinaysa tirokoobka dadweynaha, isla markana waxay usoo jeediyeen talooyin ay ku kordhinayaan qaabka hawshaa loo hirgalin karo.

Wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta Qaranka Dr Sacad Cali Shire ayaa faah-faahin ka bixiyey xeerkan tirokoobka dadweynaha iyo faa’iidada ugu jirta shacabka, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in la ogaado dadka dhalanaya iyo inta dhimanaysaba, inta waxbarashadda u baahan, xaalada kala duwan ee dadku ku sugan yihiin iyo inta dhallinyaro ah, taas oo ah xog balaadhan oo lagu hawlgali karo laguna xisaabtami karo.

Wasiirku waxa kale oo uu intaas ku daray in wadamadu aanay ka maarmin inay ogaadaan dadka ku nool wadankoodda, inta muwaadiniinta ah iyo dadka aan u dhalan dalka iyo waliba qof waliba sifaha uu dalka ku jooga, waxa kale oo uu xusay in miisaaniyada sanadkan lagu soo daray lacagta lagu diiwaangelinayo dadweynaha, isla markaana meelo kalana laga filanayo inay kharashkaas wax inaga caawiyaan.

“Dadkeena iyo dhaqaalaheenaba sidii aynu u dajin lahayn qorshe qaran ama qorshe Gobal oo ku saabsan adeegyada Bulshada iyo dhaqaalaheenaba. Haddii aynu doonayno Carruurteena yar-yar ee Dugsiga hoose ah, waxaynu u baahan nahay waa tirada Carruurteena dhigata Dugsiga hoose, Matalen haddii halmilyan oo Carruura ay tahay da’daas imisa Iskuul ayay u baahan yihiin ama imisa macalin ayaynu u baahan nahay, markaas ayaad qorshayn-kartaa. Haddii aad doonayso dhaqaalaha guud aad jahayso ama aad xoojiso, marka hore waxaad u baahan tahay inaad ogaato halka uu maraayo. Immika dhaqaalaheena inta uu leeg yahay iyo xagga uu u socdo wax badan ayaa inooga dhiban oo garanmayno Si markaa aanu dhaqaalihii wax uga qabano. waxaanu u baahan nahay inaanu ogaano bal inuu koraayo iyo geesta uu ka koraayo waxaynu u baahan nahay xog,”ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Somaliland Dr. Sacad Cali Shire.

Xildhibaanadda golaha Wakiiladda, ayaa iyaguna waydiiyey siday ugu suurtogali karto maadaama oo dadweynuhu aanay jecleen inay xog bixiyaan, taasina ay ku adkaan karto dadka diiwaangelinta samaynaya, sidoo kale waxay waydiiyeen maadaama oo lacag badani ku baxayso hawshan cida ka caawinaysa, waxa kale oo ay waydiiyeen dadka loo xil saarayo inay hawshaa galaan waa dad noocee ah.

Wasiirka Qorsheynta oo su’aalihii la waydiiyey uga jawaabay,ayaa sheegay in hawshan ay wadi doonaan dhalinyaro loo tobabarayo, kuwaas oo iskugu jira dumar iyo rag ka soo kala jeedda goboladda oo dhan, isla markaana aad loo hubin doono diiwaangelinta si aanay wax khalad ahi uga iman, waxa kale oo uu xusay in dawladu ku darsatay qorshaha sanadkan la qaban doono diiwaangelinta muwaadiniinta si looga fogaado khaladaadka ka yimaada doorashooyinka iyo in la kala saaro muwaadiniinta iyo dadka kale, waxaanu sheegay inay noqon doonto mashruuc balaadhan oo dalka ka hirgali doona.

“Istaatigiska iyo xog uruurinta wadanba hab ayuu leeyahay oo waddamada qaar waxay leeyihiin Xarun ama Xafiis u gaara ama wadamada qaarna xoog uruurintu waxay hoos timadaa Wasaarad sideena oo kale Wasaarada Qorshaynta oo kale. Markaa inaga himaladeenu waxa weeye marka sharcigani inaga gudbo ee xogta loo bahan yahay la soo uruuriyo inay ku haboon tahay in xafiis gaara loo sameeyo. Sababta Xafiisk gaara had iyo jeer loogu samaynaayana waxa weeye xigmada ka danbaysa waxay leeyihiinWasaaradii dawlad ayay hoos imanaysaa, markaa dawladii waa suurta gal in xogta qaarna jeclaysato, qaarna ay jeclaysan oo ay dhex-dhexaad ka noqon. Markaa waxa loo baahan yahay Ha’yad aan ku xidhnayn Wasaarad ama Xukuumad ee Madax-bannaan oo iyadu dhex-dhexaada soona bandhigto siday xogtu tahay oo waxna ku darin waxna ka dhibin,” ayuu yidhi Dr Sacad Cali Shire.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories