HomeWasiirka Qorsheynta oo Guddiga Joogtada ah ee Wakiillada u soo bandhigay waxqabadka...

Wasiirka Qorsheynta oo Guddiga Joogtada ah ee Wakiillada u soo bandhigay waxqabadka u qabsoomay iyo Qorshayaasha Sannadka cusub

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 10 January, 2012 (SLpost)- Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Dr.Sacad Cali Shire ayaa maanta uga waramay Gudida joogtada ah ee Golaha Wakiilada hawlaha waxqabad ee Wasaaradan u hirgalay sannadkii tagay iyo qorshayaasha ku talo gal ee sannadkan .

Waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Mudane Maxamed Barkhad Miigane, waxaanu uga mahadceliyay Wasiirka Qorshaynta iyo Mas’uuliyiinta kale ee wehelinaysay sida ay u soo ajiibeen yeedhmadooda isagoo xusay in gudidooda uu xil ka saaran yahay sidii ay isugu sii duba ridi lahaayeen warbixinta golahooda ay hor dhigi lahaayeen marka ay ka soo noqdaan fasaxa .

Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Dr.Sacad Cali Shire ayaa madashaasi ka soo jeediyay warbixin dheer oo dhinacyo badan taabanaysa isagoo xusay in qaab dhismeedka wasaaradani uu u qaybsan yahay Shan waaxood oo kala ah Waaxda Maamulka,Xog ururinta,Qorshaha,Horumarka iyo Isu duwida deeqaha waxa uu Wasiirku iftiimiyay waax kasta waxa u qabsoomay sannadkii tagay isagoo sheegay in wasaaradani ay qaranka uga mas’uul tahay

· Soo ururinta xog dhamaystiran oo ku aadan baahiyaha bulshada iyo dhaqaalaha dalka

· Diyaarinta Qorshayaal heer Qaran,Gobol iyo Degmo

· Abaabulida khayraadka Wadanka .

· Inay diiwaangeliso,isla markaana xidhiidhiso hay’adaha wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah.

· Iyo inay hubiso mashaariicda la maalgeliyo inay u fuleen sidii ugu haboonaa

Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranku inay soo saareen markii ugu horaysay aragti heer qaran ah oo horumarka dalka ah isla markaana ay diyaariyeen Qorshaha waxqabad ee shan sannadood ee soo socda waxaa kale oo uu sheegay inay sameeyeen xog ururino taabanaya baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada.

Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Dr.Sacad Cali Shire waxa uu tilmaamay inay sannadkii tagay ee 2011 ka ay u hirgaleen Sharciga lagu hagayo ururada iyo hay’adaha caalamiga ah kaas oo ka soo baxay golayaasha sharci dejinta isla markaana uu si rasmi ah u dhaqan galiyay Madaxweynaha JSL

Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranku waxaa kale oo uu ka hadlay ku talo galka sannadkan aynu ku guda jirno ee 2012-ka waxaanu cadeeyay inay u qorshaysan tahay arrimahan

· Inay u hawlgalaan sidii loo heli lahaa Jawi siyaasadeed oo fududeeya dhaqan gelinta qorshayaasha u degsan

· Inay maal gelin u raadinayaan Qorshaha 2012 ilaa 2016

· Wacyigelin badan oo ay ka samayn doonaan sidii aynu qaran ahaan u heli lahayn Cunto inagu filan iyo

· Inay tayeeyaan hay’adaha samo falka ah iyo kuwa wadaniga ah.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories