HomeWasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta oo Hargeysa lagu soo Dhaweeyey

Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta oo Hargeysa lagu soo Dhaweeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargaysa(SLpost):-Wasiirka Cusub ee Wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland ahna Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey waddanka Kenya Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe), ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Somaliland. Wasiir Cali Shoombe oo shalay gelinkii dambe ka soo degay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa halkaasi ku soo dhaweeyey, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Salaadiin, Xildhibaanno, SIyaasiyiin iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan, kuwaas oo ku sugayey garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Hargeysa, isla markaana lulayey calanka Somaliland iyo sawirada wasiirka Cusub ee qorshaynta qaranka.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Qorshaynta qaranka Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe) oo markii uu soo degay warbaahinta kula hadlay madaarka Hargeysa, ayaa uga mahad celiyey masuuliyiinta, Salaadiinta iyo dadweynaha kale ee soo dhaweeyeyba, waxaanuu sheegay in uu aqbalay xilkaasi uu madaxweynaha Somaliland u magacaabay ee wasaaradda qorshaynta ah.

Wasiir Cali Shoombe  waxa hadalladisii ka mid ahaa “Waan idiinku hambalyeynayaa soo dhaweynta aad I siiseen waxaad I siiseen kalsooni, aniguna waxaan idiin ballan qaadayaa shaqadaas la ii diray  aan si daacad ah oo sinaan ah oo waddaninimo ah idiinku qabto, waayo waxaynu dhisaynaa dal burburay oo u baahan in ay dhulka ka qaadno, intaasna la soo waday, ILAAHAY waxaan ka baryayaa in uu xilkaas igu asturo idinkuna aad iigu ducaysaan, waxaan si gaar ah ugu mahad naqayaa Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo oo aniga oo dalka ka maqan ii gartay in aan dalka u shaqeeyo, waxaan filayaa in xaafadayadu cabashadii ahayd wasaarad ayaa naloo kala jeexayna ay maanta ka baxayso”.

Wasiirka Qorshaynta Cali Shoombe oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey “Waxaan diyaar u ahay in aan sidiisa u fuliyo go’aankii lagu gaadhay shirkii lagu galay Huteelkan Hadhwanaag, waxaan u mahad naqayaa Madaxweynaha Somaliland oo isaga oo aan oday ii geynin ama aan cidi odhan xilkaas u magacaw isagu ii gartay xilkan uu ii magacaabay, ILAAHAY ha ka jasaa’i siiyo ayaan leeyahay, qof kasta oo maanta I doonayana alabaab kaygu wuu u furan yahay, in kasta oo aan jeclaa in aan Nairobi sii joogo oo aan Aqoonsiga raadiyo hadana xilka la ii igmaday ayaa ka wayn waanan aqbalay ILAAHAY ha igu asturo”.

Suldaan Cumar Suldaan Faarax oo ka mid ah salaadiinta waaweyn ee dalka oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey wasiirka qorshaynta qaranka Cali shoombe, waxaanuu yidhi “Nin dalkiisa iyo umaddiisaba si ceeb la’aan ah ugu shaqeeya ayeynu ILAAHAY uga baryeynaa, Madaxweynahana waynu u mahad naqaynaa u magacaabay wasiirka isaga oo maqan” ayuu yidhi suldaanku.

Xidhibaan Mubaarik Cabdi Malaw oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha deegaanka Hargeysa oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in uu magaaladda Hargeysa iyo xilkan loo dhiibayba ku soo haweynayo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta qaranka Cali Shoombe.  Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Tignoolajiyadda iyo Cilmi baadhista Somaliland Cali Xaamud Jibriil oo isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyey, ayaa wasiirka cusub ee qorshaynta ku soo dhaweeyey magaaladda Hargeysa, waxaanuu sheegay in ay yihiin laba nin oo saaxiib ah oo in muddo ah soo wada shaqaynayey.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories