HomeWasiirka Madaxtooyada oo Markii u horreysay Ka Hadlay Gabadh Isaga u Xidhan...

Wasiirka Madaxtooyada oo Markii u horreysay Ka Hadlay Gabadh Isaga u Xidhan oo Farriin Aflagaaddo ah Mobile-ka ugu Dirtay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali X. Xasan, ayaa markii u horeysay ummadda u soo bandhigay aflagaaddo ay telefoonkiisa ugu soo dirtay gabadh lagu magacaabo Nadra Maxamed Jaamac oo wakhtigan u xidhan kiiska arrintaas la xidhiidha.

Md Xirsi oo maanta ka hadlay munaasibad loo sameeyey soo-dhawayn Xisbiga Kulmiye u sameeyey urur-siyaasadeedkii doorashada ku hadhay ee DALSAN, waxa uu sheegay in gabadhaasi u dirtay farriin fool-xum oo aan habboonayn in afka laga sheego, waxaanu yidhi isaga oo ka hadlaya,  “Waxaan jecelahay inaan kalmad ka idhaahdo arrin laga yaabo in reer KULMIYE in badan I soo weydiisay oo ahayd, inan xabsiga ku xidhan oo la tilmaamo inay xaq-darro ku xidhan tahay, waanan tilmaamayaa. Waa sax cidii I soo weydiisay iyo cida laga yaabo inay is weydiiso maxaa loo xidhay iyo in Qofka xidhan xuquuqul insaanka iyo bulshaba loo wada doodo oo la yidhaahdo qofkaasi ma dambi baa lagu xidhay mise sax baa lagu xidhay.

Wasiirka Madaxtooyada
Wasiirka Madaxtooyada

Inantaasi waxay soo dirtay oo naga soo gaadhay fariin fawaaxish ah oo aad u fool xun oo aan ahayn mid aan halkan idiinka sheegi karo, ama dhegihiinu maqli karaan. Laakiin qofkii u baahan qoraal ayay ku taallaa farriintii Hay’adaha garsoorka iyo xuquuqul insaanka. Cidii u baahan arrintaasi xogteeda waanu u dhiibaynaa. Laakiin waa arrin aad u fool xun oo aanan afka kaga dhiiran gelin inaan halkan idiinka sheego. Waana wax aniga wax iga sheegaya, oo madaxweynaha wax ka sheegaya oo marwadda wax ka sheegaya oo masuuliyiinta kale ee qaranka wax ka sheegaya.”

Wasiirku waxa uu sheegay in cayda inantaasi ay telefonkeeda uga soo dirtay ay ahayd mid aad u fool xun, “Caydani waa mid laf-jab ah oo cirdiga iyo qoyska madaxweynaha iyo kayga wax ka sheegaysa, markaa ma doonayo inaan intaasi dhaafiyo. Waxaan leeyahay markaa waxa laga hadlay saxaafadda waxa lagu soo qoray warar badan oo odhanaya waa la dulmay, iyadoo aan la sugin garsoorkii. Waan maqnaa markii la qabtay inanta. Waxaanse imid iyadoo dadka la geliyay in inantaas dulmi lagu xidhay. Ma jiro dul inantaas lagu xidhay. Aniguna masuul ahaan waan iska ilaaliyay in saxaafadda ka hadlo si aan loo odhan Wasiirku wuxuu majaro habaabiyay xukunkii dhacayay oo aan filayo in lagu dhawaaqo waxa uu doono ha noqdee,” ayuu yidhi Md Xirsi, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, “Jeelasha waxaynu u samaysanay qofka edaabta daran in lagu edbiyo, sharcigana waxaynu u samaysanay in qofkii khaldan lagu qabto.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories