HomeWasiirka Madaxtooyada oo Kormeeray Dhismaha JIdka Oodweyne, Dhismayaal tiro-badanna u dhagax-dhigay Booliska...

Wasiirka Madaxtooyada oo Kormeeray Dhismaha JIdka Oodweyne, Dhismayaal tiro-badanna u dhagax-dhigay Booliska Togdheer

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Burco (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wefti uu hoggaaminayo, shalay kormeer ku tagay dhismaha jidka Burco/Oodweyne/Hargeysa oo lagu wado in wejigeedii labaad la bilaabo, ka dib markii la dhammaystiray wejigeedii koowaad.

Wasiirka Madaxtooyada waxa korkiisa ku wehelinayay Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha, wasiirka biyaha, Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga iyo maalgashiga, Guddoomiyaha gobolka togdheer, Xoghayaha dawladda hoose ee Burco iyo Taliyayaasha ciidamada ee gobolka Togdheer, Guddoomiyaha guddida dhismaha waddooyinka isku xidha Oodweyne, Burco iyo Hargeysa iyo xubno ka tirsan qurbejoogga UK.

IMG_0276Wasiir ku xigeenka ganacsiga iyo maalgashiga Bashiir Cabdi Xariir oo ka hadlay goobta ay hawsha dhismaha waddadu ka socotay, ayaa ka xog-warramay ujeedada kormeeerkani waxaanu yidhi, “Waxaanu halkan u nimid sidii loo dardar galin lahaa wajigii labaad ee hawsha dhismaha waddada isku xidha Oodweyne ilaa Burco ee loo dhamaystiri lahaa carro-tuulkii, waxaanu ku rajo weynahay hawshaasi oo ay xukuumaddu dhineecada diyaar u tahay, odoyaashiina is abaabuleen, qalabkiina uu yaalo sidii loo dhaqaajin lahaa.”

Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali X Xasan oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Dhismaha waddooyinka isku xidhaya Burco, Oodweyne iyo Hargeysa muddo ayey socotay carro kaawada iyo dhigisteedu, marka hore qorshuhu wuxuu ahaa in jid cadaha iyo carro kaawada laysku xidho ilaa Oodweyne, marka danbena Daamurka iyo jayga, haatan wejigii hore waa dhaw yahay meel fiicana wuu marayaa, imikana waxaanu bilaabaynaa wajigii labaad, waxaanu ku talo galaynaa inay isku xidhanto bisha toddobaad haddii Alle yidhaahdo, waxaana inoo balan ah ugu danbeyn in laysku xidho jid caddaha Oodweyne ilaa burco 30ka Julay, Ka dibna in la bilaabo laamigii.”

Dhinaca kale, wasiirka Madaxtooyadu waxa uu shalay magaalada Burco ku dhagax-dhigay dhismaha 16 Aqal oo loo hirgelinayo ciidanka Booliska gobolka Togdheer.

IMG_0297Wasiir Xirsi oo ka hadlayey munaasibad uu ku dhagax-dhigay dhismayaashan, ayaa tafaasiil ka bixiyey cidda bixinaysa dhaqaalaha ku baxaya, waxaana hadalladiisa ka mid aha, “Dhismahan waxa iska kaashanaya dawladda hoose ee burco iyo bulshada, waxaanay ka mid tahay horumarka in maalinba talaabo la qaado, waana talaabo horumar leh oo la doonayo in lagu hormariyo booliska gobolka togdheer, dhismahan oo laga bilaabi doono xerada taysiir ee booliska, waxaan ugu baaqayaa bulshada reer burco inay ka qayb qaataan horumarka oo ay taageeraan wixii ay idiinka baahdaan ee awood ah haddii ay tahay dhul ama kharash. Annaguna dawlad ahaan tallaabo kasta oo horumar ah oo ay dadweynuhu ku dhaqaaqaan waanu is barbar taagaynaa,” ayuu yidhi Wasiirku.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories