HomeWasiirka Madaxtooyada oo Kormeer ku maray Dib-u-dhis ballaadhan oo lagu wado Jidka...

Wasiirka Madaxtooyada oo Kormeer ku maray Dib-u-dhis ballaadhan oo lagu wado Jidka isku-Xidha Hargeysa iyo Berbera

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeys (SLpost)- Waddada isku xidha Magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera ayaa lagu sameeyay dibudhiskii ugu ballaadhnaa 22-sanno ee ay Somaliland jirtay. Dibudhiska wadadan ayaa hadda maraaya Magaalada Dacarbudhuq,  iyadoo laga bilaabay duleedka Bari ee Magaaladda Hargaysa.

Wasiirada Wasaaraddaha Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaji Xasan iyo Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ay wehelinayeen Wariye Axmed Xasan Cawke iyo xubno ka tirsan hay’adaha Dawladda, ayaa kormeer ay ugu dhabbo-galayaan habsami u socodka hawsha dibushiska wadada Bera iyo Hargaysa, waxayna goob goob isu taageen meelihii dhismuhu ka socday, iyago warbixino ka dhagaystay Ingineeradii waday dhismaha wadada. Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland oo ka hadlaayay duleedka Magaaladda Dacarbudhuq laamiga badhtankiisa iyadoo markaas shaqaduna socotay, ayaa sharaxaad ka bixiyay  wadooyinka Somaliland iyo qorsha dhismayaashooda , wuxuu  Wasiirku faah faahiyay baahida keentay dibudhisku isku tashi ballaadhan uu shacabka iyo Xukuumadda ay ku midaysan yihiin, wuxuuna bulshada u soo jeediyay inay iyagoo midaysay gacmaha isu qabsadaan dhismayaasha wadooyinka. Dhinca kale wuxuu Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Mud: Xirisi Cali Xaji Xasan ku adkaystay in xaqiiq iyo runtahay inaynu wax qabsan karno, isagoo u soo jeediyay cidii shaki ka qabtaa inay ku qanacdo wadada maantaba maraysa dacarbudhuq, iyadoo laga soo qaaday ayuu yidhi Hargaysa.

fffWasiirka Wasaaradda Warfaafinta Wacyigalinta Hidaha iyo Dhaqanka oo isna halkaas ka hadlaayay, ayaa ka waramay intii Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silaanyo tallaada dalka haysay wadooyinka Somaliland ka hirgalay,  Sidoo kale Wasiir Cukuse wuxuu bulshada u cadeeyay in dhismaayasha wadooyinku yihiin xaqiiqo aan been ahayn, isagoo sidoo kale ugu baaqay shacabka inay yimadaan wadadan Berbera iyo Hargaysa u dhaxaya, isla markaana indhahooda ku arkaan isbadalka ballaadhan ee ka muuqda.

1Geesta kale, gadiidlayda maraayay  goobihii dhismaha wadooyinku ka socday ayaa iyaguna si xamaasadaysan u cabiray dareenkooda, waxayna  darawalada baabuurtu gaar ahaan kuwa  gawaadhida waaweyn ee xoolaha qaadaa oo saxaafadda la hadlayay sheegeen in dibudhiskani yahay midkii ugu ballaadhnaa ee wadadan laga sameeyo muddo 22 sanno ah, iyagoo Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silaanyo ka codsaday in dibudhiska la gaadhsiiyo Magaaladda Berbera.

Dib-u-dhiska waddada Berbera iyo Hargaysa u dhaxaysa oo ay dhib weyn kala kulmi jireen shacabka marinkaas ku safraa, waxaa ka muuqanaayay isbadal baaxad leh.  Halka wadooyinka gobolada iyo degmooyinka Somaliland ay hadda u muuqdaan  kuwo dhismayaashodu soo badanaayo, iyadoo dhawaana uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo dhagax-dhigay wadada Ceerigaabo iyo Burco isku xidha, taas oo haday hirgasho noqonaysa mashruucii ugu weynaa ee ay abid Somaliland fuliso.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories