HomeWasiirka Madaxtooyada oo Jawaab uu ka bixiyo u Waayey Sababaha aan Dacwadaha...

Wasiirka Madaxtooyada oo Jawaab uu ka bixiyo u Waayey Sababaha aan Dacwadaha War-baahinta loogu Isticmaalin Xeerka Saxaafadda Somaliland

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Washington (SLpost)- Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa su’aal geliyey sababta maxkamadahu ugu dhaqmi waayeen xeerka dhaqan-galka ah ee saxaafadda marka ay ka garnaqayaan dacwadaha la xidhiidha suxufiyiinta iyo xarumaha warbaahinta.

xirsiWasiir Xirsi oo wakhtigan ku sugan dalka Maraykanka, waxa uu sheegay in xadhigga iyo xayiraadda lagula kacay qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland loo maro dariiq sharci, sharciga dalka u yaalna dadku u wada siman yihiin, balse su’aali ka taagan tahay sababta loo adeegsan waayo xeerka saxaafadda u yaal.

“Waxaan filayaa sharciga ayaanay dadku si u wada aqoon. Warbaahintu waxay ku xidhan tahay waa sharci oo darriiq sharci ah baa loo maray. Cidda xidhay ama xayirtay waa maxkamad oo dariiq sharci ah baa loo maray, laakiin haddaad leedahay maxaa xeerka saxaafadda loogu qaadi waayey ama loo xidhay waa su’aal iswaydiin leh. Dalku wuxuu leeyahay sharciyo kala duwan, cidda doorataana waa cidda gacanta ku haysa oo ah garsoorka, iyagaana doorta sharciga ay ku qaadayaan cidda eedaysanaha ah, laakiin xeerarka dalka u yaal dadku way u siman yihiin,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada oo ka jawaabay su’aal idaacadda VOA-du ka waydiisay sababaha warbaahinta la xidho loogu adeegsan waayey xeerka saxaafadda Somaliland.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay socdaalka weftiga madax-dhaqameedka Soomaaliya ee booqashada ku yimi Somaliland, waxaanu yidhi, “Weftiga noo yimi ee odayaasha ah waxay ahaayeen wefti odayaal-dhaqameed ah ee may ahayn siyaasiyiin, markaa manaan kulmin, sabab aan ula kulanaana may jirin oo waxay ahayd arrin dhaqan. Odayaasha dhaqanka iyo ururrada rayidka ah ayey is-arkeen. Intaan ka war qabo, waa dad walaaltinimo ugu yimi ayey ahaayeen ee arrin kale muu jirin, siday sheegeenna siyaasad umay socon, laakiin way u sheegeen mawqifkayaga. Mowqifka Somaliland ma aha wax qarsoon oo haddii uu siyaasi yahay, hadduu oday yahay iyo hadduu inan yahay, waa wax mowqif kaliya wadaaga. Oday-dhaqameedka Xamar ka yimi way arkeen mowqifka dadka Somaliland oo ah in aanu goonni-isu-taagga Somaliland ku xidhnayn waqti iyo qof toona ee uu yahay wax ummadda ka soo go’ay.”

Wasiirka oo ka hadlayey ujeeddada uu daarran yahay socdaalk uu tagay dalka Maraykanka, waxa uu yidhi, “Waxaan u imi inaan dawladda Maraykanka kaga qaybgalo dhawr ballamood oo aan halkan ku lahaa hadday ii suurtogasho xilligan oo aan fursad u helo. Dabbaaldegga aan reer Somaliland kala qaybgeli doono oo muhiimadda koowaad ii ah, waxaanan filayaa in shan xafladood oo qorshaysan aan ka qaybgalo.”

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories