HomeWasiirka Madaxtooyada oo Ceel-biyood u dhagax-dhigay degmada Caynaba

Wasiirka Madaxtooyada oo Ceel-biyood u dhagax-dhigay degmada Caynaba

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Caynaba (SLpost) Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa dhagax dhigay ceel biyood Xukuumadda Somaliland ay ka hirgalinayso Duleedka magaalada Caynaba ee GObolka Saraar oo ka mid ah meelaha ay sida xun u saamaysay abaarta ka jirta gobollada Bari ee dalka.

Wasiir ayaa ayaa sidoo kalena sharaxaad ka bixyey tiro ceel kale oo ay Xukuumadda Madaxweyen Siilaanyo dhawaan ka bilaabo doonto deegaano kala duwan oo dalka ah.

????????????????????????????????????

Mudane Xaashi oo ay wehelinayeen Wasiir oa tirsan Xukuumadda oo uu ka mid yahay Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) iyo Dib u dajinta Cali Saciid Raygal, ayaa ka hadlay munaasibad kooban oo loo qabtay dhagax dhiga ceelkaasi, oo shalay ka dhacday meel caynaba u jirta sideed kiiloomitir.

Waxaanu yidhi  “ Waxanu maanta halkan ka dhagax dhignay idamka ILAHAY ceel la qodayo oo dhakhso loo bilaabi doono, ceelkaas oo aanu Xukuumad ahaan aamin-sanahay inuu wax badan ka tari doono xaalada adag ee biyo la’aanta iyo abaarta haysata guud ahaan gobolka Saraar. Gobolkani waa gobol xoolaha caan ku ah, abaartuna si xun u hayso, dhibaatooyinka ugu badan na waxa ka mida biyo la’aan haysta, meelaha biyaha lihi waa qadhaadh, marka horeba gobolku biyo qadhaadh ayuu u badnaa, biyihii qadhaadhaana waa gudheen, way is badaleen, caafimaad ahaan bulshada khatar ayey ku hayaan, ceelkii qori-dheer oo jabnaa oo mudo dhawr sano ah aan shaqayn dhawaanbaa Xukuumaddu kicisay iyo guddida taakulada abaaruhu, maanta kan waxa qaranku ugu talo galay in baahida biyaha ee xaalada abaarta uu wax ka taro, dhul badan oo kale ayaa wax laga fuliyey, oo wakhti gaaban laga gaadhay, waxa ka mida Ceelka Coodanle, waxa ka mida Ceelxume magaalada Ceelsame imika loo bixiyey, waxa ka mida meel koonfurta Laascaanood ah oo dhawaan laga bilaabi doono ceel.”

Wasiirka ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “  Ceelka layskama dhagax dhigo daraasad ayaa la sameeyaa ay Wasaarada biyuhu samaysay, waa daraasad dhamays tiran, waxa lagu tuhun san yahay biyo macaan, halkan aynu joogno ee Faramaa khubaradu way yimaadeen, godkaana iyagaa qoday, waa meel biyo lagu hubo, daraasadaasuna ay dhamaatay, Xukuumadduna iskamay balan qaadeen  hadii aanay ogayn daraasadaa. Waxa kamida meelaha isha lagu hayo, ee Xukuumaddu xooga saarayso Koonfurta Laascaanood, gaar ahaan magaalada dharkayn-geeye, Widhwidh ayaa ka mida, Baligubadle ayaa ka mida meelaha degdeg wax looga bilaabi doono, waa qorshe dawladdu wado oo wada socda, aadbaanu ugu mahad naqaynaa khuburadii sahamisay. “

 

Mudane Xaashi ayaa ugu dambatii ka hadlay hadii ceelkaasi uu biyo badan yeesho in uu suuro galin karo in biyaha looga qaado magaalada Caynaba waxaanu yidhi “ Waxa kale oo barnaamijka wajiga labaad ee qorshaha qaranka ka mida in hadii ceelkan biyo badan laga helo in ceelal kale mustaqbalka laga qado, oo Caynabo biyaha looga jiido mustaqbalka, oo sideed kiiloomitir ah,  maanta ujeedada loo dhagax dhigayaa ma aha mashruucaas Caynaba, maanta waxa la fulinayaa Ceel xooluhu ka cabo, biyo macaan oo booyadahana laga dhaamino.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories