HomeWasiirka Madaxtooyada iyo maareeyaha Dekedda Berbera oo Dalka ku soo laabtay iyo...

Wasiirka Madaxtooyada iyo maareeyaha Dekedda Berbera oo Dalka ku soo laabtay iyo Nuxurka Heshiis ay ku soo Galeen Dalka Imaaraadka Carabta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo uu weheliyo Maareeyaha dekadda Berbera Eng. Cali Xoor-xoor, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii muddo todobaad ah ay socdaal shaqo ugu maqnaayeen dalka Imaaraadka carabta.

Wasiirka Madaxtooyadda iyo Maareeyaha dekadda Berbera oo ka soo degay madaarka caalamiga ah ee magaalada Berbera, waxa soo dhaweeyay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Warshadaha, Guddoomiyaha Gobolka Saaxil iyo xubno ka mid ah Golaha Deegaanka degmada Berbera.

Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo warbaahinta kula hadlayey qolka nasashada ee madaarka, ayaa xog-warramay natiijada socdaalkii shaqo ee ay ku tageen dalka Imaaraadka Carabta.

Md Xirsi oo arrimahan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Waxaanu socdaalka ugu tagnay dalka Imaaraadka Carabta, sababta aanu u tagnayna waxay ahayd mid khusaysa horumarinta dekadda Berbera oo uu mudaba wada hadal u socday dekadda Berbera iyo dekeda kale ee caanka ah ee Dubia Port.”

Wasiirku waxa uu dhinac ka hadlay xidhiidh ay la sameeyeen dawladda imaaraadka Carabta, “Sidoo kale waxaynu xidhiidh la lahayn dawladda Imaaraadka carabta, horumarin haddii ay tahay iyo haddii ay mucaawimo kale tahay-ba oo iyadana aanu dabo-gal ku samaynaynay wixii dambe ee ay innaga tari karaan. Tusaale ahaan biyaha oo kale oo ay inoo qodeen ceelal badan oo aynu sugayno wajigii labaad oo ay beebka biyaha Hargeysa uga soo jiidayaan ceesha xumbo weyne ee ay balan-qaadeen,” ayuu yidhi Wasiir Xirsi, waxaanu intaas ku daray isaga oo ka hadlaya kulamo dhexmaray madaxda dalka Imaaraadka Carabta, “Waxaanu la kulanay Wasiirul dawlaha Arrimaha dibadda Imaaraadka carabta, waxaana aanu ka helnay soo dhawayn wanaagsan iyo is afgarad fiican oo aanu ku heshiinay inay wax inagala qabtaan dhinacyada horumarinta iyo xoojinta cilaaqaadka labada dal.”

Wasiir Xirsi waxa uu sheegay inay soo galeen heshiis lagu horumarinayo dekedda magaalada Berbera, “Waxaanu ku heshiinay in la horumariyo dekadda oo la casriyeeyo oo heer caalami laga dhigo si loogu hirgeliyo adeegyadda daruuriga ah ee aanay lahayn,” ayuu yidhi Wasiirka madaxtooyada Somaliland.

Somalilandpost.net/Office

Berbera, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories