HomeWasiirka Macdanta oo ka warbixiyey Guulo Somaliland uga soo hoyday Shir Caalami...

Wasiirka Macdanta oo ka warbixiyey Guulo Somaliland uga soo hoyday Shir Caalami ah oo ka dhacay Koonfur Afrika

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xuseen-Cabdi-DucaaleHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Mudane Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii uu Dalka Koonfurta Afrika kaga qayb galay shir Caalami ah oo lagaga hadlayey Maal-gashiga Macdanta Qaaradda Afrika.

Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale oo maanta ka soo degay Madaarka Magaalada Hargeysa, ayaa waxa halkaasi ku soo dhaweeyey, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo shaqaalaha Wasaaraddiisa oo ay hor kacayaan agaasimeyaasha waaxyaha, waxaanuu  Wasiirku qolka Nsashada kula hadlay Saxaafadda oo uu faah faahin kaga bixiyey shirkaasi iyo waxyaabaha Somaliland uga soo kordhay.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Mudane Xuseen Cabdi Ducaale oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi  “Aad ayaan ugu farax sanahay in aan dalka ku soo noqdo,  iyada oo aanu guul weyn ka soo helnay shirkii Dalka Koonfurta Afrika ee aanu tagnay,  waxaanu ahaa  markii ugu horreysay ee shirkaas  heer dawladeed la inagu soo marti qaaday oo illaa dhawr iyo socon Wasiir oo macdanta ah ay ka soo qayb galeen,  halka 17 ka mid ah fursad loo siiyey inay ka hadlaan macdanta dalkooda oo ahaa shir ka dhacay Magaalada Cape Town oo ah mid sannadkiiba mar ka dhaca,  waxaana ka soo qayb galay illaa sagaal kun oo ka soo qayb gale, kuwaas oo isagu jira Dawladdo, Shirkaddo iyo Maal-gashadeyaal, waana shirka adduunka ugu weyn ee macdanta ah,  waana kii 20-aad ee dhaca,  waxaana farxad weyn inoo ah inaynu ka  mid noqonay dawladahaas oo calankeenu ka dhex muuqday,  waana wax aad loogu farxo runtii, iyada oo aynaan ahayn dal la aqoonsan yahay in heerkaas la inoogu macsuumo shirka  oo aynu waliba ka hadalno oo aynu waliba ku soo dhowayno shirkadaha ka soo qayb galay wixii khayraad ah ee dalkeena ku jira”

Xuseen Cabdi Ducaale oo ka hadlayey waraysiyo uu siiyey warbaahinta caalamka iyo arrimo kale waxa uu yidhi, “Waxaana i waraystay warbaahin caalami ah intii aan joogay shirka, kowaas oo ay ka mid yihiin CBCtv OO Caalami ah, cctv oo ah tv China laga leeyahay, waxa sidoo kale i waraystay wargeysyo caalami ah, waxaana wax weyn ah in markii ugu horreysay la maqlo dal la yidhaahdo Somaliland,  macdantu ma hawl yara oo dawladdaha afrika oo dhan ayaa ku loollamaya inay shirkadahaasi waddamaddooda  maal gashadaan, laakiin inagu markii ugu horreysay ayeynu ahayn ee aynu ka qayb galnay shirkaasi,  waana shir  fagaare weyn ah oo mageceenu uu baxayo weeyaan,  waxyaalaha la inagu aqoonsanayana waxyaalahaas ayaa ka mid ah, in fagaareyaasha caalamiga ah la inaga helo oo aynu badheedheheena ka sheeganno, runtii taasi way noo suura gashay oo aad ayaan ugu farax sanahay,  in aynu meel aynaan dawlad ahaan hore u gaadhin aynu gaadhnay”

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta  Xuseen Cabdi Ducaale oo ka hadlayey madaxda uu kulamada la soo yeeshay iyo buug laga qoray shirka oo ay Somaliland ku jirto waxa uu yidhi, “Buug ayaa laga qoray shirka oo lagaga hadlayey illaa 17 dal oo ka mid ah dawladaha ka soo qayb galay shirka oo afrika ah oo lagaga hadlayey khayraadka waddankooda, kuwaas ayeyna Somaliland ka mid ahayd,  waxaana somaliland laga diyaariyey qoraal aad u fiican oo lagaga warramayo Somaliland iyo khayraadkeeda,  waxaanaynu shirkaas ka helnay muuqaal aynaan hore u lahayn, waxaanay waa maal gashi oo fagaare siyaasaddeed ma ahayn aad ayaana la iiga soo dhaweeyey, baaq ayaanan u diray inay dalkeena soo eegaan oo ay il gaar ah ku eegaan.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas raaciyey, “annaga oo ka duulayna in aan wixii la siyaasadaynin, baaq ayaan shirkadaha u soo jeediyey inay dalka maal gashadaan, waxaanan la kulmay madaxdii ka soo qayb galay oo aan uga warramay Somaliland oo wakhti la siiyey in la wada hadlo, aad ayaanan ugu sharaxay oo qaar ayaa i weydiiyey Somaliland waa xaqee, markaa waxaan u sheegay in Somaliland tahay dal jira oo muddo 22 sanno jiray, waxaana isoo casuumay hogaan shirkan oo aanu hore isku aragnay oo sidaasi igu soo casuumay, waxaanu sidoo kale is aragnay Guddoomiyaha midowga Afrika oo ah haweynay Koonfur Afrikaan ah, waxaanan kala hadlay inay kursi sharafeed Somaliland siiyaan, markaa taasna Wasiirka Khaarajiga ayaan kala hadlayaa,  taas oo aan fursad u helay in aan qadiyadda Somaliland uga warramo,” ayuu yidhi Eng Xuseen Cabdi Ducaale.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories