HomeWasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo Khudbad taariikhi ka jeediyey Shirweyne Caalami...

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo Khudbad taariikhi ka jeediyey Shirweyne Caalami ah oo ka Socda Ustareeliya iyo Nuxurka Kulamo uu la Qaatay Madax kala Duwan + SAWIRRO

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Perth (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Eng Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa maanta khudbad maamuus sare lagu soo dhaweeyey ka jeediyey Shirweyne caalami ah oo lagaga hadlayo kheyraadka qaaradda Afrika oo ka socda magaalada Perth ee dalka Ustareeliya, kaas oo ay ka soo qayb-galeen wufuud ka kala socotay qaaradda Afrika iyo caalamkaba.

Shirweynahan wasiirku khudbadda ka jeediyey oo la yidhaahdo Africa Down Under kana socda magaalada Galbeedka Ustareeliya  ku taala ee Perth, isla markaana lagaga hadlo Macdanta qaaradda Afrika, waxa ka soo qayb-galay ergooyin tiradooda lagu qiyaasay 2,500 oo ay ka mid yihiin 45 Wasiir oo ka socday waddamada Qaaradda Afrika, kuwaas oo ay hoggaaminayso Wasiirka Macdanta iyo Kheyraadka ee Dalka koonfur Afrika Mrs Susan Shabangu, waxaanu wasiirk macdanta iyo Tamarta Somaliland madashaas ka jeediyey khudbad dheer oo dhaxalgal isla markaana soo jiidatay ergooyinkii caalamka ee shirkaas ka qayb-galay.

Sida ay tibaaxeen wararka aanu ka helnay weftiga wasiirka, Shirka ka dib waxa uu Eng Xuseen Cabdil kulan la qaatay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika oo ay ka wada-hadleen arrimo door ah, waxaana kulankaas laysku af-gartay in Somaliland ka qayb-gasho shirweyne Caalami ah oo la filayo inuu dabayaaqada sannadkan ku qabsoomo dalka Koonfur Afrika. Shirweynahan oo loo yaqaanno Mining Exploration Conference (INDABA) oo lagaga hadli doono Macdanta iyo Kheraadka, ayaa lagu marti-qaaday Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Eng Xuseen Cabdi Ducaale.

ust1Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale waxa kale oo uu kulamo gaar-gaar ah la yeeshay shirkado laga leeyahay dalkan Australia oo ka hawl-gala dhinaca baadhitaanka kheyraadka dhulka, kuwaas oo danaynaya booqasho ku yimaaddaan Dalka.

Waxa dhanka kale wasiir Xuseen Cabdi Ducaale uu kulamo la qaatay madaxdii ka soo qayb gashay shirweynahan caalamiga ah ee loo yaqaano AfricaDownUnder, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka kheyradka ee dalka Angola, Manuel Francisco Queiroz iyo  wasiirka macdanta ee dalka Nayjeeriya Musa Mohammed Sada, wasiirka macdanta iyo khayraadka ee dalka Koongo  Pierre Obe.

Dhanka kale,  waxa wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland waraysi la yeeshay telefeeshin laga leeyahay dalka Ustareeliya ee SKY TV oo si toos ah u tabinayey shirweynahaas.

1. LIISTADA DADKA KHUDBADAHA KA JEEDINAYA SHIRKA

2. WASIIRKA MACDANTA IYO TAMARTA SOMALILAND

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories