HomeWasiirka Macdanta iyo Tamarta oo maanta u baxay ka-Qaybgalka Shir Caalmi ah...

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta oo maanta u baxay ka-Qaybgalka Shir Caalmi ah oo Somaliland lagu Marti-qaaday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng Xuseen Cabdi Ducaale oo uu weheliyo Agaasimaha waaxda Macdanta ee Wasaaraddaas, ayaa maanta u anba-baxay ka qayb-galka shirka Macdanta Qaaradda Afrika oo markii ugu horeysay Somaliland lagu soo marti qaaday.

MasuuliyiintaShirkan oo ah sannadle lagaga hadlo Maalgeshiga Macdanta qaaradda Afrika, ayaa 3-da ilaa 6-da Bishan ku qabsoomi doona Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, waxaana ka soo qayb-gali doona Wasiirrada Macdanta ee labaataneeyo waddan oo qaaradda Afrika ka tirsan.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ka hor intii aanu ka amba-bixin madaarka Caalamiga ah ee Egal International Airport, waxa uu faahfaahin ka bixiyey ujeeddada safarkiisa uu ka qayb-galayo shirkaas.

“Waxa aan u anbabaxaynaa sidii aanu uga qayb geli lahayn shirka Macdanta Afrika oo ka qabsoomaya magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa. Safarkayga waxaa igu wehelin doona Agaasimaha Guud ee Wasaarada Tamarta, waxaanan rejaynayaa in aanu guul qaranka uga soo hoyn doono,” sidaa waxaa yidhi Wasiirka Wasaaradda Macdanta oo ka warramayay ujeedada safarkooda.

Wasiirka hadlakiisa sii watay, waxa uu yidhi, “In kabadan 17 dal oo kamid ah waddamada Qaniga ku ah Macdanta ee qaaradda Afrika ayaa ka qayb gelaya shirka. Waxaa kale oo iman doona waddamada horumaray ee adduunka waana shirka ugu balaadhan ee dhinaca Macdanta adduunka waana shir ka balaadhan kii Ustareeliya ee aanu ka qayb galnay, waxaanu ku soo bandhigi doonaa adduunkana bari doonaa khayraadka dalkayaga.”

Shirkan Macdanta Afrika ayaa ah mid sanadkiiba hal mar la qabto, waxaana lagaga wada hadlaa sidii loo horumarin lahaa Kheyraadka Macdanta Africa, waxaana lagu wada inuu todobaadkan gudihiisa ka furmo magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories