HomeWasiirka Macdanta iyo Tamarta oo Ka Warbixiyey Ujeeddada Shirar ka Dhacay Dalka...

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta oo Ka Warbixiyey Ujeeddada Shirar ka Dhacay Dalka Imaaraadka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha Md Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa warbixiyey natiijada shir uu todobaadkii hore dalka Imaaraadka Carabta kaga qeyb galay kaas oo lagaga hadlayay sidii looga faa’iidaysan lahaa shiidaalka dalalka Bariga iyo badhtamaha Afrika.

Md. Xuseen Cabdi Ducaale oo maanta Madaarka Berbera ugu warramay warbaahinta ka dib markii uu ka soo laabtay socdaalkaas shaqo ee uu Dalka Imaaraadka ku tagay, waxa uu yidhi,  “Runtii shirkaasi waxa uu ku saabsanaa xog-waran iyo aqoon iswaydaarsi ku saabsan arrimaha shidaalka ama gaas ha noqoto ama batrool marka laga tago dalalka Carabta oo si weyn loo danaynayo mustaqbalka soo socda Bariga Afrika oo aad mooddo dalalka Carabta inay doonayaan inay si fiican u ogaadaan uguna xidhmaan isla markaana ula shaqeeyaan shidaallada imika ka bilaabmay soo saarkooda ama ka soo socda Bariga afrika

Waxay noo ahayd farxad weyn in Somaliland ku guulaysato inay hesho marti-qaadka shirkaasi oo aanay helin dalal badan, dalalka bariga afrika waxa kaliya oo laga soo casuumay Somaliland, Mozanbique,Tanzania, Burundi iyo koonfurta Suudaan,”ayuu yidhi Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale.

Wasiirku  waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyay ahmiyadda ay magaalada Berbera u leedahay shidaal-dhoofinta wadammadda jaarka ee bad lahayn, waxaanu ka hadlay fursaddii loo siiyey inuu Shirkaas hadal ka jeediyo, “Waxa ii suurto-galay inaan shirkaas khudbad ka jeediyo una bandhigay mustaqbalkeena shidaalka ku saabsan iyo istaraatajiyadda wadankeenu leeyahay khaasatan magaaladda Berbera oo aan u bandhigay adduun-weynaha inay noqon karto meel shidaalka wadankeena laga dhoofiyo oo kaliya balse ay albaab u noqon karto wadamada bariga afrika ee aan xeeb lahayn sida Itoobiya, Koonfurta Suudaan oo soo saarista shidaal mustaqbalka laga bilaabi doono,” ayuu yidhi Md Xuseen Cabdi Ducaale.

Wasiirka Wasaarada Macdanta Biyaha Iyo Tamarta, waxa kale oo uu ka warramay kulan ay dalka Imaaraadka ku yeesheen wefti ka socday xukuumadda Somaliland iyo xubno ka mid ah Wasiirrada Imaaraadka carabta, waxaanu yidhi, “Markii shirkaasi ii dhamaaday, waxa nagu soo biiray wefti rasmiya oo uu madaxwaynuhu soo diray oo uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, Wasiirka wasaarada Madaxytooyada Xirsi X. Cali Xasan iyo Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Cali Xoor-Xoor oo u yimid halkaas inay ka qayb galaan shir lagaga hadlayay horumarinta Dekedaha Berbera waxaanay wada hadallo ku yeesheen Dubai oo aan aniguna kala qeyb galay.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories