HomeWasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland oo Lacag ku wareejiyey dhiggiisa Wasaaradda Maaliyadda

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland oo Lacag ku wareejiyey dhiggiisa Wasaaradda Maaliyadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[H]argeysa (SLpost)- Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland, ayaa Wasaaradda Maaliyadda shalaya ku wareejisay lacag ka soo xarrootay heshiis ay la gashay shirkad shidaalka ka baadhi doonta Somaliland oo la yidhaa OPHIR Energy.

blankWaxaana sidaas lagu shaaciyey shir jaraa’id oo ay maanta wada-jir ugu qabteen Wisiirrada Macdanta iyo Biyaha, Maaliyadda iyo Wakiilka Shirkadda, iyadoo si rasmi ah lacag xaddigeedu dhan yahay $579,795 kun (Shan boqol iyo sagaal iyo toddobaatan iyo toddoba boqol iyo shan iyo sagaashan kun oo dollar) loogu wareejiyey Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa si qotodheer uga warramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray heshiiskan iyo wax-ka-beddel lagu sameeyey, waxaannu xusay inay shirkadu dhawaan hawshii shidaal baadhista dhawaan bilaabi doonto, lacagtii heshiiska ay ku galeena Wasaaradda Maaliyadda guddoonsiin doonaan, waxaannu yidhi; “Waxaan doonayaa inaan maanta idiinka warano heshiis na dhex maray annaga iyo shirkada OPHIR Energy oo shirkad shidaalka qoda ah, marka Wasiirka Maaliyadda waxaannu ku wareejinaynaa dakhli ka soo xarrooday heshiiskaas, heshiiskani wuxuu aha mid hore u jiray oonnu ka dhaxalnay xukuumaddii naga horraysay ee Rayaale, markaa wax-ka-beddel baannu ku samaynay, markii horre waxay haysatay qayb dhulka ah, waxyaabahaannu ka beddelnayna waxa ka mid ahaa inay dalbadeen qaybtay dhulka ee ay haysteen inay qayb kale ku darsadaan oo ay baadhitaankooda ka sameeyaan.

blankDhulkaa dheeraadka ah ee aannu siinay waxyaabahaannu kula gorgortanay waxa ka mid ah, inay la yimadaan dardargelin hawshay wadeena, muddo dheer baynu maqlaynay shirkaddo shidaal baa dhulkeena jooga oo baadhitaankii iyo sahankii shidaalkuba hore u bilaabmay, waxa kale oo aannu ku darnay kiro oo aan heshiiska hore ugu jirin oonu aqabal siinay inay bixiyaan intay dhulka ku fadhiyaan iyo xaqal qallin.

Heshiiskan wuxuu dhammaaday bishii December ee sannadkii ina dhaafay, waxaanay labada dhinac heshiiska wada saxeexdeen bishii saddexaad ee sannadkan, waxaana farxad weyn noo ah dakhligii ka soo xarrooday Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha.

Dakhligii ka soo xarrooday heshiiska wax-ka-beddelka ah waxa uu noqday lacag dhan $579,795 kun (Shan boqol iyo sagaal iyo toddobaatan iyo toddoba boqol iyo shan iyo sagaashan kun oo dollar) aad baan ugu faraxsanahay inaannu u xarrayno Wasaaradda Maaliyadda dakhligii sannadkan nalaga rabay. Waxaannu aad u soo dhawaynaynaa wada shaqaynta na dhex martay shirkadaas, waxaanannu guddoonsiinaynaa jeegii lacagta oo aannu soo sawirnay.”

Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad u soo dhawaynaayo lacagtaas Wasaaradda Macdantu guddoonsiiso.

“Aad baannu ugu faraxsanahay oo u soo dhawaynaynaa in Wasaarad Maaliyad ahaan in hanta dakhli ah oo Maaliyaddu ka rabtay Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ay fuliso,” ayuu yidhi Md. Samaale, waxaannu Wasaaradda Macdanta u soo jeediyey inay halkaas ka sii wadaan dedaalka.

Mr. Rashiid Mustafe Xaaji Nuur oo ah wakiilka shirkadda shidaalka baadhaysa ee OPHIR Energy, ayaa sheegay in shirkadoodu afar sannadood dalka ku sugnayd, isaga oo intaa ku daray inuu aad u faraxsan yahay in lacagta ay ku wareejiyaan Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories