HomeWasiirka Maaliyadda Somaliland oo Kormeeray Kastamada Cashuuraha ee Balligubadle iyo Faraweyne

Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo Kormeeray Kastamada Cashuuraha ee Balligubadle iyo Faraweyne

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Balligubadle/Faraweyne (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa kormeer shaqo maray Waaxaha Cashuuraha Berriga iyo Dakhli-ururinta degmooyinka Balligubadle ee gobolka Hawd ee Faraweyne oo ka tirsan gobolka Maroodijeex.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan wasaaradda, ayaa markii ay ka soo laabteen deegaanka Ina-Guuxaa ee degmada Saylac, waxa ay kormeerkooda ka bilaabeen magaalada Balligubadle ee xarunta Gobolka Hawd, waxaana xarunta maamulka ee gobolka ku soo dhaweeyey masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo oo ay weheliyeen xildhibaanno isugu jira kuwa golaha Wakiillada iyo Golaha deegaanka Balligubadle.

Wasiir Sacad Cali Shire waxa uu kormeer ku maray Xarunta Kastamka Cashuuraha ee magaalada Balligubadle, waxaanu wasiirku warbixin ku saabsan hawlaha shaqo ee Kastamka ka dhegaystay maamulka waaxda cashuuraha Berriga iyo Kastamka magaalada Balligubadle oo sharraxaad ka bixiyey dedaallada ay ugu jiraan dakhli-ururinta iyo dib-u-habayn lagu sameeyey dhismaha Kastamka Cashuuraha Balligubadle.

blankKormeerka kaddib, waxa uu Wasiirku kulan ballaadhan la qaatay Masuuliyiinta Maamulka gobolka Hawd, degmada Balligubadle iyo xildhibaannada Golaha wakiillada iyo xarunta gobolka Hawd

Sidoo kale, Wasiirka Horumarinta Maaliyadda ee Somaliland waxa uu kormeer indho-indhayn ah ku tagay Kastamka degmada xuduudka Ethiopia ku taalla ee Faraweyne waxaanu wasiirku u-kuur-gelis ku sameeyey hab-sami u socodka hawlaha shaqo ee Kastamka.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo socdaalka kormeerka ah ay ku wehelinayeen Agaasime-waaxeedyada Kastamada iyo Xidhiidhka dadweynaha ee Wasaaradda iyo saraakiil kale, waxa uu Md Sacad Cali Shire xadhigga ka jaray dhismaha cusub ee Kastamka Faraweyne oo dib-u-habayn iyo Casriyeyn lagu sameeyey.

kastamka cashuuraha ee faraweyne3
Kastamka cashuuraha ee Faraweyne

“Waxa laydinka baahan yahay inaad ka shaqaysaan sidii loo dabar-jari lahaa Kontarabaanka iyo cid kasta oo lacag cashuureed kala baxsanaysa kastamka,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali oo intaas ku daray inuu hadhsan yahay weji labaad oo lagu ballaadhinayo dhismaha kastamka Faraweyne.

Kormeerka Wasiirka Maaliyaddu ku maray xarumaha dakhli-ururinta Wasaaradda ee ku yaalla deegaannada ku taxan xuduudka, ayaa qayb ka ah dedaallo ay wasaaraddu ugu jirto la-dagaalanka xatooyada Cashuuraha ama Badeecadaha sida qarsoodiga ah loo soo geliyo dalka.

Kastamka cashuuraha ee Faraweyne
Kastamka cashuuraha ee Faraweyne

Kastamada Cashuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda, ayaa qayb laxaad leh ka qaata hannaanka dakhli-ururinta ee Xukuumadda, waxaanay laf-dhabar u yihiin koboca dhaqaale ee dowliga ah.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories