HomeWasiirka Maaliyadda oo shaacisay Kharashaad laga dhimay hay’adaha dowladda iyo Sababta keentay

Wasiirka Maaliyadda oo shaacisay Kharashaad laga dhimay hay’adaha dowladda iyo Sababta keentay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa (SLpost)-  Wasiirka maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan ayaa sheegtay  in dakhliga ilaha Dhaqaale ee hay’adaha dawladu uu kor u kacay, isla markaana lacago loo isticmaali jiray meelo aan loo baahnayn laga joojisay wasaaradaha iyo hay’adihii isticmaali jiray, in kasta oo ay xustay in lagu jiro aanu wanaagsanayn wax-soo-saarka dakhliga dowladda.

Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa ay meesha ka saartay in heerka dakhliga ee wax-soosaarka hay’adaha dhakhligu hoos u dhac ku yimi, iyada oo hadal-haynta arrintan u nisbaysay xakamaynta lagu sameeyey kharashaadka hay’adaha dalka qaarkood.

Samsam Cabdi Aadan “iyadoo imika lagu jiro wakhtigii uu dakhligu hoosayn lahaa, haddana imika kor ayuu u kacay oo  lacag intaa le’eg oo Dollar ah suuqa maanaan soo gelin karneen haddii aanu dakhligu kor u kicin. Waxa kale oo aanu haynaa mushaharka 4 bilood oo shaqaalaha. Markaa dakhli hoos u dhacay ma jiro. Lacago loo isticmaali jiray meelo aan loo baahnayn, waanu xakamaynay. Markaa meelahaasi way odhanayaan dakhligi wuu yaraaday, laakiin waa wax muuqda sida uu dakhligu u kordhay, waana la arki karaa,” ayay tidhi wasiir Samsam oo maanta u warrantay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.

Waxay ku dooday wasiirku in lacagta kharashaadka ah ee ay ka jartay wasaaradaha dawladda qaarkood  ay kala tashatay  masuuliyiinta hay’adahaasi, isla markaana aanay lacagahaasi dhamaanba ka wada jarin, hase yeeshee laga dhimay intii markii hore loo qorsheeyay.

“Wax aad ah kamaan jarin, laakiin waan la tashanay, waayo wasaaraduhu iyaguba way garanayaan marka miisaaniaydda la samaynayo, miisaaniyaduna waa odoros, mid waliba waxay is odhanaysaa wax iskaga darso, mid walibana way og tahay waxa mudnaanta  u ah, dadkuna waa dad wadanka wada danaynaya oo ka wada shaqaynaya,” ayey tidhi Marwo Samsam.

Waxa ay Marwo Samsam intaas sii raacisay, “Markaa wasaaradaha waanu ka wada tashanay, waxyaabaha aan aadka loogu baahnayn ee aan daruuriyaadka ahayn  ee miisaaniyadda ku jira meelaha qaar waa la yareeyay,  laakiin dakhligu meel fiican oo aad u wanaagsan ayuu marayaa. Waxaanu rejo waynahay in aanay waxba iska dhimi doonin dakhliga dawladda sidii qorshuhu  ahaa ayuu noqonayaa,” ayey tidhi Marwo Samsam.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories