HomeWasiirka Maaliyadda oo ka xog-warramay Korodhka Dakhliga Dalka muddadii uu xilka hayay

Wasiirka Maaliyadda oo ka xog-warramay Korodhka Dakhliga Dalka muddadii uu xilka hayay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Kalabadheyd (SLpost)- Wasiirka wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale,oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi iyo Mas’uuliyiin kale ayaa kormeer shaqo maanta ku soo maray kastamka Kala baydh,kaas oo la xidhiidha dardar gelinta hawlaha dekhli ururineed ee Wasaaradu u xilsaaran tahay.

blankWasiirka wasaarada maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka hadlay safarka uu ku tagay kastamka Kala baydh iyo ujeedada ka danbaysa ayaa sheegay inuu la xidhiidho sidii uu ula socon  lahaa hawlaha kastamka isla markaana kor loogu qaadi lahaa dakhliga kastamkaas isaga oo xusay inay lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo hantida umada, Waxaa kale oo Wasiirka Maaliyadu hoosta ka xariiqay in dakhliga ka soo xeroon jiray kastamada dalka uu kor u kacay. isagoo rajo ka muujiyey qaabka hawsha kastamadu u socoto xiligan,Wasiirku waxa uu intaas ku daray in Kastamadu ay yihiin goobaha boqolkiiba 80% uu ka yimaado dhaqaalaha dalku.

Waxaa kale oo Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale isbarbar dhig uu ku sameeyay bishan bisheedii dekhligii ka soo xerooday kastamka kala baydh ,waxaanu qiray in ku talo galkoodii miisaaniyada uu mid ka badan soo xereeyay kastamka kala baydh sannadkan aynu ku guda jirno.

Kor meerka wasiirka maaliyadu ku tagay kastamka kala baydh ayaa qayb ka ah dedaalka ay wasaarada maaliyadu ugu jirto kobcinta dhaqaalaha dalka iyo xisaabaadka ay wasaaradu ka wado gudaheeda si loo daryeelo hantida umada.

Mudane Samaale waxa uu ammaan balaadhan u soo jeediyay Maamulka,Shaqaalaha, Ciidamada,iyo hawl wadeenada kale ee kala shaqeeya dekhli soo saarka oo uu ku amaanay dadaalka xoogan ee ay muujiyeen iyo sida ay isugu xilqaameen in ay dardar geliyaan cashuuraha ay soo xereeyaan waxaa kale oo uu mahadnaq u diray Ganacsatada Jaadka oo si wanaagsan u bixiya wixii cashuuro ah ee ku waajibay isla markaana meesha ka saaray dhaqamo wakhtigii hore lagu nusqaamin jiray hawl galada dekhli soo saar ee wasaarada maaliyadu qaranka uga mas’uulka tahay.

Wasiirka waxaa kormeerkan ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyada,iyo  masuuliyiin ka tirsan  wasaaradiisa,iyagoo warbixin ka dhagaystay Maamulaha Kastamka Kalabaydh Cabdirisaaq Xaaji Cumar.

SomalilandPost.com

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories