HomeWasiirka Maaliyadda oo Isbeddelkii ugu ballaadhnaa ku sameeyey Maamulayaasha Kastamada Dalka oo...

Wasiirka Maaliyadda oo Isbeddelkii ugu ballaadhnaa ku sameeyey Maamulayaasha Kastamada Dalka oo Intoodii Badneyd xilalka laga qaaday

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa wareegto uu maanta soo saaray Isku-beddel iyo magacaabis cusub ku sameeyey maamuleyaasha qaar ka mid ah Kastamada Cashuuraha ee Dalka.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo wareegtadan soo saaray maanta Abbaaro 11:00 Barqanimo, waxa uu isku beddel ku sameeyey maamuleyaasha Kastamaha dalka halka uu sidoo kale xilalka ka qaaday qaar ka mid ah madaxda kastamada kuwaas oo uu beddelkooda u magacaaba maamuleyaal cusub.

SamaaleWareegtada Wasiirku soo saaray, waxa ay siyaabo kala duwan u saamaysay Kastamada Caasacaddo, Saylac, Boorama, Kala-Baydh, Balligubadle, Laascaanood, Ceerigaabo, Beer iyo Burco.

In kasta oo aanay noo suurto-gelin inaanu helno Wareegtada Wasiirka ee isku-beddelka iyo magacaabista cusub xambaarsan, balse ilo-wareedyo Somalilandpost soo xiganayso, ayaa xaqiijiyey in xilalka laga qaaday Maamuleyaashii Kastamada Balligubadle, Ceerigaabo, Burco, Kala-baydh, Laascaanood, kuwaas oo dhammaantood loo magacabay Masuuliyiin Cusub.

Sidoo kale, warku waxa uu intaas ku daray in Maamulihii Kastamka Boorama loo beddelay Kastamka Kala-baydh, Maamulihii Kastamka Saylac-na loo beddela Kastamka Burco, halka sidoo kale Maamulihii Kastamka Beer loo magacaabay Maamulaha Cusub ee Kastamka Balligubadle.

Wareegtadan ka soo baxday Wasiirka Maaliyadda Somailand, ayaa noqonaysa Isbeddelkii ugu ballaadhnaa ee Wasiir Samaale ku sameeyo Maamuleyaasha kastamada dalka, waxaanay noqonaysaa markii saddexaad ee wasiirku isbeddel ku sameeyo Madaxda Kastamada Cashuuraha Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories