HomeWasiirka Maaliyadda iyo Masuuliyiinta Ciyaaraha oo Ballanqaaday in la Casriyeyn Doono Garoonka...

Wasiirka Maaliyadda iyo Masuuliyiinta Ciyaaraha oo Ballanqaaday in la Casriyeyn Doono Garoonka Timacadde Sannadka 2017-ka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

samsamHargeysa (SLpost)- Wasiirka Maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan iyo masuuliyiinta bahda ciyaaraha, ayaa ballanqaaday in qaab casri ah loo dhisi doono garoonka kubbadda kolayga Timacadde ee caasimadda Hargeysa, isla markaana sannadka dambe lagu ciyaari doono isaga oo dusha sare ka dedan.

Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Kolayga Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xasan Cabdillaahi (Qadax) oo hadal ka jeediyey furitaankii ciyaaraha kubbadda kolayga ee habeenkii Jimcaha, waxa uu soo bandhigay naqshado iyo muuqaalo muujinaya qaabka loo samayn doono garoonka Timacadde.

“Waxaan doonayaa in aan sheego sannadka 2017 iyo muuqaalka cusub ee uu yeellan doono Garoonkan Timacadde oo aan rajeynayo in uu ka duwannaan doono sidan uu iminka yahay, arrintaas oo ay noo fududeysay ama ay noo hirgelisay xukuumaddani oo ay ugu horreyso Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan oo noo ballanqaaday inuu garoonkani noqon doono garoon (indoor) ah ama dadan oo ayna cadceeda iyo roobkuba marka ay ciyaartu socoto habsami-u-socodkeeda waxba yeeli doonin,” ayuu yidhi Mr. Maxamuud Qodax.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland, Md. Maxamed Xuseen Dhabbeeye, ayaa isna ammaanay dayactirka lagu sameeyey garoonka kubbadda kolayga ee Timacadde, waxaannu yidhi; “Garoonkan Timacadde ee aynu joogno waad arkaysaan shaqadda laga qabtay, waxannu rajaynaynaa sannadkan dambe, isaga oo garoon casri ah oo la mid ah kuwa Mareykanka ku yaalla inaynu ku ciyaari doono, ayaa aannu ballantaas annagu idiin qaadi doonaa, sida ugu dhakhsaha badan.

msuuliyiin-ciyaaroWaxa aad iyo aad ugu mahadnaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan oo ka mid ah tiir-dhexaadka xukuumadda maanta talada haysa oo dhallinyarada reer Somaliland la garab taagan hiil iyo hooba, waxaynanu ku ammaanaynaa sida ay uga qeybqaatay horumarka ciyaaraha ee ay tartanka ciyaaraha nafta ugu hurtay ee garoomada maanta dalka ku yaal ee waaweyn ee la dhigay roogga casriga ah kamay hirgelin dadka aynu jaarka nahay oo waxa dhigta FIFA, innagana waxa inoo dhigtay xukuumadda oo ay Samsam Cabdi Aadan qeyb weyn ku leedahay, abaalkaasina waxa uu kuugu jiraa dadkan iyo dalkan.”

Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa ugu bushaaraysay bulshada, gaar ahaan ciyaartoyga in garoonka Timacadde oo si casri ah loo dhisay lagu ciyaari doono sannadka soo socda, haddii Ilaahay yidhaah.

“Insha Allaah sida la sheegay waxaynu ku ciyaari doonaa garoonkan oo casri ah oo qurux badan oo dedan, kooxaha wada ciyaarayana waxaan leeyahay hambalyo oo ciyaar qurux badan na daawadsiiya oo si anshax badan u ciyaara, isku hambalyeeya qoladiina badisa, annaguna hambalyo ayaanu idin leennahay,” ayey tidhi marwo Samsam Cabdi Aadan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories