HomeWasiirka Maaliyadda oo ka hadlay tuhunno xilliga uu Odoroska Miisaaniyadda gudbiyey ku...

Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlay tuhunno xilliga uu Odoroska Miisaaniyadda gudbiyey ku xidhiidhay Loolanka Hoggaanka Xisbiga Kulmiye

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa ka hadlay warar maalmihii u dambeeyey laysla dhexmrayey oo sheegaya in sababta uu xilligeeda soo horreysiiyey gudbinta odoros-miisaaniyeedka Sannadka 2014 ay tahay sidii uu isaga casili lahaa Xilka uu hayo, si uu ugu tartamo jaga hoggaanka Xisbiga Kulmiye

Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa uu sheegay inaanay jirin siyaasad u qorsoon oo ka dambeysa xilliga uu gudbiyey miisaaniyadda Qaranka, balse uu gudanayo hawlaha kaga aaddan waajibaad dastuuri ah oo jidaynaya in Odorosa Miisaaniyad-sannadeed Golaha Wakiillada loo gudbiyo sannad kasta 29-ka Bisha Oktoober, halka uu isaguna golaha uga gudbiyey 29-kii November.

SamaaleWasiirka Maaliyada oo wakhti uu maanta xarunta golaha Wakiillada kulan kula lahaa Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee golahaas, telefishanka madaxa-bannaan ee HCTV wax ka weydiiyey Wararka sheegaya in sababta uu wakhtigeeda uga soo horaysiiyey Odoroska miisaaniyadda 2014 ay tahay sidii uu isaga casili lahaa xilka uu hayo ee wasaaradda Maaliyadda uguna tartamo hoggaanka xisbiga Kulmiye, waxa uu ku jawaabay,  “Horta waxa weeye Xil Qaran ayaan gudanayey markaan Miisaaniyada horgeeyey Golaha Wakiilada, dastuurka Qarankeenu waxa uu leeyahay Odoroska Miisaaniyada ee sannadka soo socda, waa in Golaha la horgeeyaa 29 October. aniguna waxaan keenay 29 September, markaa waxaan odhan karaa qodabkaas Distuuriga ah 22-kaas sanno ee Somaliland jirtay waa markii u horaysay ee uu fulay. Markaa sidaas awgeed Xilka Qaran ee I saaran ayaan gudanayey. Wax Siyaasad ah oo aan ka leeyahay ama ka danbaysaa ma jirto, shalay-na Golaha Wakiilada ayaan Guddoomiye ku-xigeen ka ahaa oo wixii aan ka qabtay Golaha waa la ogaa,” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyada Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaal.

Wasiirka Maaliyadu waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabaha lagaga hadlay kulanka uu shalay la qaatay Guddi-hoosaadka dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada, waxaanu yidhi, “Waxaanu ka wada-hadlaynay Miisaaniyada Qaranka ee 2014-ka, iyaguna Odoroska Miisaaniyadda way hayaan oo Axadii ayaan u akhrinay Mudanayaasha Golaha Wakiilada. Markaa Su’aalo ayay iga waydiinayeen runtiina aad ayay nooga mahad-celiyeen Xilliga aanu keenay iyo korodhka Miisaaniyada.”

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories