Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Dr. Omar and Senators
Washington (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa maanta la kulmay xildhibaanno ka tirsan labada Aqal Maraykanka isaga oo kala hadlay arrimaha Aqoonsiga, dhaqaalaha, shaqo-abuurista.
Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska wasaaradda Arrimaha debedda Somaliland, isaga oo dhammaystiranna waxa uu u dhignaa sidan:
“Wasiirka arrimaha debedda JSL Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo socdaal dublamaasiyadeed oo ku wajahan sidii Somaliland loogu heli lahaa aqoonsi caalami ah ku jooga cariga Maraykanka ayaa kulamo la yeeshay saraakiil sarsare oo ka tirsan dawlada Maraykanka.
Dr. Omar & Senator
Wasiirka Arrimaha dibeddu waxa uu kulamadan la yeeshay Guddoomiyaha Gudida Africa u qaabilsan Aqalka Wakiilada Maraykanka Chris Smith oo ka tirsan xisbiga Republican-ka ee imika ka taliya Aqalka Wakiilada, xildhibaan Donald Payne oo ah Gudoomiye ku-xigeenka Gudida Africa u qaabilsan Aqalka Wakiilada kana tirsan xisbiga Democratic-ga, xildhibaan Keith Ellison oo ka tirsan xisbiga Democrat-ka.
Dhinaca Aqalka Senate-ka Maraykanka waxa uu wasiirku kulamo kala yeeshay Senator Christopher Coons, Guddomiyaha Gudida Africa ee Agalka Senate-ka kana tirsan xisbiga
Dr Omar and Representative
Democratka, Senator Johnny Guddoomiye Xigeenka Gudidaasi kana tirsan xisbiga Republicanka iyo Senator Mark Kirk oo ah Xubin ka mida Guddida Ansixisa Kharashka Dawlada Maraykanka oo ka tirsan xisbiga Republican-ka.
Dhamaanba Xildhibaanadaasi uu la kulmay wasiirku waxa uu kala hadlay sidii Somaliland looga caawin lahaa dhinacyada Aqoonsiga, Dimuqraadiyada, Nabadgelyada, Dhaqaalaha,shaqo abuurista iyo abaaraha ka jira Somaliland oo saamayn ku yeeshay dadweynaha Somaliland, waxaana ay dhamaantoodba masuuliyiintaasi niyad-samaan ka muujiyeen horumarka ay Somaliland ka gaadhay dhinaca nabadgelyada, dimuqraadiyada, iyo la dagaalanka budhcad-badeedda.
Waxay dhinacooda muujiyeen masuuliyiintaasi inay Somaliland ka caawin doonaan arrimahaasi uu wasiirku carrabaabay isla mar ahaantaana ay fari doonaan hay’ada USAID in la kordhiyo mucaawimadii la siin jiray Somaliland.”
Dr. Omar in USA
Waxay ahayd shalay markii uu wasiirku kulamo la yeeshay saraakiil, masuuliyiin ka tirsan macadka caalamiga ah ee IRI, hay’adaha horumarinta Maraykanka iyo kuwa arrimaha bulshada, kulankaas oo lagaga hadlay sidii loo kordhin lahaa horumarinta iyo dhaqaalaha lagu taageero Somaliland.
Booqashada Wasiirka ee Dalka Maraykanka ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dalka joogaan qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera dhanka doorashooyinka iyo horumarinta arrimaha bulshada, waxaanay kulamo la yeesheen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyaga oo kala hadlay xaqiiqooyinka doorashooyinka dalka ku soo fool-leh iyo sidii loo hirgelin lahaa.
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland