HomeWasiirka Khaarajiga Somaliland oo Kulamo la Qaatay Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha...

Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo Kulamo la Qaatay Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Jarmalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berlin (SLpost)- Wasiirka Arriimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo socdaal shaqo ku jooga dalka Jarmalka gaar ahaana magaalada Berlin, ayaa kulan la yeeshay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibada ee dalkaas iyo saraakiil sare-sare oo ka tirsan hay’adda Gargaarka iyo Baanka horumarinta ee Jarmalka.

War-saxaafadeed caawa ka soo baxay xafiiska Wasiirka Khaarajiga Somaliland, ayaa lagu faahfaahiyey ujeeddada kulanka uu Wasiirku la yeeshay masuuliyiinta ka tirsan Xafiiska Arrimaha dibada Jarmalka iyo waxyaabihii ay kaga wada hadleen, khudbad uu Wasiirku ka jeediyay shir uu ka qayb galay oo ka dhacay magaalada Berlin iyo sidoo kale kulan uu la qaatay saraakiil ka tirsan hay’ada mucaawimada dibada u qaabilsan Jarmalka ee GIZ (Deutsche Gesellschaft für Internationale Zusammenarbeit) iyo baanka horumarinta (GFW) ee dalkaas.

Dr Omar“Wasiirka Arriimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Berlin ee caasimada wadanka Jarmalka masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibada ee dawlada Jarmalka, kulankaasi oo ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibada ee Jarmalka.

Waxaanay Wasiirka iyo masuuliyiinta Jarmalku kulankaasi kaga wada hadleen arrimaha siyaasada iyo nabad-geliyada ee Somaliland iyo in uu Jarmalku ku soo biiro ama ka qayb ka noqdo sanduuqa horumarinta ee ay Somailand u fureen dawladaha Britian iyo Denmark, iyo sidoo kale wada shaqayn cusub oo dhex marta Somaliland iyo Jarmalka,” ayaa lagu sheegay Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Debedda.

Waxa kale oo lagu sheegay war-murtiyeedka ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga Somaliland kulan uu magaalada Berlin kula yeeshay madaxda hay’ada mucaawimada dibada u qaabilsan dalka Jarmalka ee loo yaqaano GIZ iyo Baanka horumarinta Jarmalka ee GFW la yidhaahdo, kuwaasi go’aan ku gaadhay in ay dhawaan Somaliland u soo diraan wefti ka socda labadaasi hay’adood.

Dr Omar2Sida lagu xusay warsaxaafadeedka Wasaaradda Khaarajiga, wasiirku waxa uu khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay shir ka dhacay xarunta caanka ah ee doodaha siyaasada dibada ee madaxda adduunku ay ka jeediyaan khudbadaha ee loo yaqaano SWP, oo ku taala magaalada Berllin ee caasimada wadanka Jarmalka. “Khudbadaasi oo nuxurkeedu ahaa geedi socodka dimuqraadiyada iyo dawladnimada ee ay Somaliland gaadhay iyo sidoo kale guulaha la taaban karo ee ay ka gaadhay hanaanka dimuqraadiyada. Waxa kale oo kulankaasi lagaga dooday sidii ay beesha caalamku u tixgelin lahayd qadiyada Ictiraafka Somaliland.

Waxa kale oo Wasiirka qaabilay guddoomiyaha guddida baarlamaanka Jarmalka ee arrimaha dibada ee xisbiga Liberal-ka oo ay weheliyeen xubno kale oo baarlamaanka ka tirsan.

Wasiirka ayaa beri waxa uu booqasho ku tagi doonaa magaalada Hague ee waddanka Holland halkaasi oo uu kulan kula yeelan doono Wasiirka amniga iyo Cadaaladda ee dalka Holland.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories