HomeWasiirka Khaarajiga ee Taiwan oo Qaabilay Safiirka Somaliland ee dalkaas

Wasiirka Khaarajiga ee Taiwan oo Qaabilay Safiirka Somaliland ee dalkaas

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Taipei (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Taiwan, Joseph Wu, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Somaliland ee dalkaas Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud oo dhawaan madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay xilkaas.

Kulanka ayaa ku qabsoomay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee caasimadda Taipei, waxaanu ku soo beegmay maalin ka hor xilliga loo qorsheeyey xadhig-ka-jarista Xafiis dibloomaasiyadeed oo Somaliland ka furanayso caasimadda dalkaas maalinta Arbacada ah ee Berri.

blankBarta Twitter-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan, ayaa la soo bandhigay sawirro laga qaaday Kulanka dhexmaray Labada masuul iyo iyo qoraal uu kaga hadlay muhiimadda kulanku leeyahay.

“Annaga oo ah laba dhinac oo Isku feker ah, si isku mid ahna wax u doonayna, waxaanu dhiirrigelin doonnaa nabadda iyo barwaaqada, waxaananu ilaalin doonnaa nidaamkayaga dimuqraadiga,” waxa sidaas bartiisa Twitter ku qoray wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan Salaasada maanta.

Wakiilka Somaliland ee Taiwan, Amb. Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud, ayaa dhankiisa ka hadlay kulanka dhexmaray wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan.

“Waxaan saaka xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Arimaha Dibada ee Taiwan H.E. Dr Joseph Wu. Kulanku wuxuu ahaa mid midho-dhal iyo muhiimadba leh,” sidaas waxa uu Maxamed ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Bishii August 17-keedii ayaa dalka Taiwan, ayaa dibloomasiyadeed ka furtay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxaana munaasibaddaas goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Wakiilka Dowladda Taiwan.

In kasta oo aanay labada waddan wax heshiis ah ku gaadhin daah-furka xidhiidh dibloomasiyadeed dhammaystiran oo ay yeeshaan, haddana xidhiidhka ugubka ah ee Somaliland iyo Taiwan, ayaa si xooggan u soo jiitay indhaha caalamka.

Xidhiidhka dibloomasiyadeed ee Taiwan iyo Somaliland ayaa kiciyay weerar diblomaasiyadeed oo kaga yimi dhinaca dalka Shiinaha oo aaminsan in Taiwan ka mid tahay dhul-weynaha Jamhuuriyadda Shiinaha, iyadoo dhawaan ay magaalada Muqdisho shir-jaraa’id ku cambaareeyeen Safiirka Shiinaha ee dalkaas iyo madaxweynaha Somaliya. Waxaana lagu soo waramayaa inay arrintani ku riixday Shiinaha inuu sare u qaaddo rejada ah wada-shaqayn ay ilaalada maraakiibta Shiinaha iyo Soomaaliya ka sameeyaan biyaha ku xeeran mandaqadda Geeska Afrika ee Istaraatajiyadda u ah Isu-socodka adduunka.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories